4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Portugal iyo Spain oo ku kala tagay barbar dhac iyo Ronaldo oo saddex Gool dhaliyay


Jimco, June, 15, 2018 (HOL) – Cayaartan oo aheyd mid siweyn loo wada sugayay islamarkaana isha lagu wada hayay ayaa daqiiqadihii ugu horeeyayba waxaa u suurtagashay kooxda Kubadda Cagta Portugal in ay hellaan Goolkoodii ugu horeeyay oo ahaa Rigoore waxaana u dhalinayay Lacibkooda Cristiano Ronaldo laftirkiisa lagu gallay Rigoorada.

Laakiin Spain oo mar walba u muuqatay in ay ka gacan sareysay Portugal ayeey u suurtagashay in ay hellaan goolkoodii barbar dhaca oo uu u dhaliyay weerar yahankooda Diego Costa oo u awood sheegtay difaaca Portugal.

Iyadoo maanka lagu wada hayay in nasiinada xili cayaareedka hore lagu kala bixin doono 1-1 ayaa waxaa natiijada badalley Cristiano Ronaldo oo goolkii labaad ku hubsaday shabaqa kooxda kubadda Cagta Spian, waxaana lagu kala nastay 2-1.

Markii leysugu soo laabtay wareegii labaad ee cayaarta Portugal waxaa soo wajahay culeys aad u weyn oo uga imanayay weerar yahannada Spain oo Kubad qurux badan la soo shirtagay, waxaana ay mar walba Kubaddu ay aheyd mid ku dul-wareegeysay Goolka kooxda Portugal.

Isku dhiidhiiib si wacan looga soo shaqeeyay ayeey ugu suurtaga-gashay Spain in ay la yimaadaan Goolkoodii labaad kaddib markii Kubad uu madaxa ku soo baasay Sergio Busquets uu shabaqa ku hubsaday Costa oo goolkaas labaad dhaliyay daqiiqadii 55-aad.

Wixii xiligaa ka danbeeyay xaalka ma wacneyn dhinaca Portugal kubadda-na Aaggooda ayeey u janjeersatay waxaana lagu keenay Goolkii Saddexaad oo banaanka uu ka toogtay Nacho Fernandez daqiiqaddii 58-aad kaddib kubad ay ka soo shaqeeyeen David Silva iyo Isco .

Kaddib dhacdooyinkaas Portugal waxaa ay isku dayayeen in kubadda si sax ah u geeyaan aagga goosha Spain balse ma aysan dhaceyn xilli Spain ay ciyaarayeen kubad baasas ku dhisan oo cajiib ah .

Dhamaadkii Portugal waxaa ay dadaal ugu jiraan in ay keeneen goolka bar bar dhaca waxaa ayna heleen Free Kick kaasi oo gool cajiiba ah u turjumay Ronaldo waxaa uuna goolkaas yimid daqiiqadii 88-aad xilli uu u ahaa Ronaldo goolkaas kiisii 3-aad ee kulanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]