3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Masar oo Guul Darro xanuun badan kala kulantay Kooxda Kubadda Cagta Uruguay

 

Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)- Waxey aheyd Guul darro aysan u fadhiyin Xulka Kubadda Cagta dalka Masar marka la eego waqtiga leysla soo gaaray Xiddigaha Kubadda Cagta Uruguay oo 1-0 si dirqi ah daqiiqihii ugu danbeeyay ku badiyay.

Xulka Uruguay guusha ay ku naaloonayaa waxaa daqiiqadii 89 u dhaliyay daafaca Atletico Madrid cayaaryahanka lagu magacaabo Jose Gimenez

Mohamed Salah xiddiga reer Masar oo si gaar ah isha loogu wada hayay garoonka ayuu ku sugnaa cayaartana Idhaha ayuu ku hayay, siweyn ayuu ugu faraxsanaa sida ay u cayaareen xiddigaha reer Masar oo ku dhawaaday in ay 0-0 ku celiyaan Uruguay, laakiin Mohamed Saalax ayaa siweyn uga naxay gool markii danbe ay dhaliyeen wiilasha reer Uruguay.

Laakiin dhinaca kale marka la eego wiilasha reer Uruguay kama aysan fileynin kubadda ay soo bandhigeen Xiddigaha reer Masar oo goolka daqiiqadihii ugu danbeeyay cayaarta ay heleen waxaa ka  soo fujiyay neef weyn.

Is araga soo socda Group-kan Masar waxaa ay kulmi doonaan xulka dalka marti-galinaya cayaaraha ee Ruushka waxaana ay Masar u baahan tahay in ay badiso.

Dadka sida weyn cayaaraha ugu dhuun-daloola ayaa rumeysan in  tababaraha Masar gar iyo gardaro intaba uu soo safi doono Mohamed Saalax Kulanka Ruushka madaama is-aragasa uu yahay mid ku xiran in Xiddigaha reer Masar ku soo sugnaanayaan Moscow iyo in kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/15/2018 4:22 PM EST
Jimco, June, 15, 2018 (HOL) – Cayaartan oo aheyd mid siweyn loo wada sugayay islamarkaana isha lagu wada hayay ayaa daqiiqadihii ugu horeeyayba waxaa u suurtagashay kooxda Kubadda Cagta Portugal in ay hellaan Goolkoodii ugu horeeyay oo ahaa Rigoore waxaana u dhalinayay Lacibkooda Cristiano Ronaldo laftirkiisa lagu gallay Rigoorada.

6/15/2018 10:55 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga soo gaaray Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarleex oo mudooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

6/15/2018 9:53 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)-Goboladda iyo degmooyinka Somaliland ayaa si weyn ugu dabaaldegay maalinta Ciidal fidriga oo caalamka islaamka oo dhan maanta laga ciiday.

6/15/2018 7:00 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)-Guud ahaan marka la eego masaajida magaalada Beledweyne ayaa subaxnimadii hore ee saakay laga bilaabay Akhirta Takbiirta, iyadoo Boqolaal ruux ay markii danbe meel fagaaro ah wada jir ugu Oogeen Salaada Cidda.

6/15/2018 6:28 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland ,Cabdiweli Gaas oo dadweynaha salaadda Ciidda kula tukadey magaalada Garoowe , ayaa sheegay Puntland inay ka shaqeynayso nabadda , balse ay iska difaaci doonan cid walba oo soo weerarta.

6/15/2018 6:06 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka si loola dagaalamo Al-Shabaab.

6/15/2018 5:48 AM EST
Jimco, June, 15, 2018 (HOL)–Danjiraha Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda Ciiddul Fidriga.

6/15/2018 5:33 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)–Basal xumaatay oo la doonayey in Somaliland la soo galiyo ayaa laga celiyey magaalo xuduudda Togwajaale ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa.

6/15/2018 4:08 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidriga.

6/15/2018 3:23 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey Maxaabiista dambiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

6/15/2018 3:16 AM EST
Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo jeediyay khudbad uu ugu talagalay munaasabada Ciidda ayaa ayaa si gaar ah diirada u saaaray Amniga magaalada Muqdisho.