4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2018
Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex oo Dalka Turkiga loo keenay arimo Caafimaad (Sawirro)



Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga soo gaaray Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarleex oo mudooyinkii la soo dhaafay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

Kharashka ku baxaya caafimaadka Abwaanka waxaa bixinaysa dowladda Somalia sida uu sheegay Abwaanka oo la hadlay HOL waxyar ka dib markii uu ka soo dagay garoonka Ataturk.

"Dowladda Somaliya ayaa mas'uul ka ah caafimaadkayga ,iyadaana bixinaysa dhamaan kharashaadka igu baxaya inta aan halkan joogo " ayuu yiri Abwaan Baarleex.

"Waxaan rabaa inaan halkan uga mahad-celiyo madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Famaajo iyo dowlad-diisa oo Turkiga ii soo diray " ayuu mar kale yiri Abwaanka.

Qaar kamid ah ardayda wax ka barata magaalada Istanbul ayaa Abwaanka ku so dhaweyay garoonka Ataturk ,waxaana Abwaanka wajigiisa laga arki karay sida uu ugu faraxsan-yahay soo gaaristiisa Turkiga.

Ugu danbayn, dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada ugu wanaagsan ee caafimaadka loo imaan karo ,waxaana inta badan la keenaa Somaali qaba xanuun-no kala duwan ,kuwaasi oo marka caafimaadkooda ay dhamaystaan dalkii dib ugu laabta.  

Faysal M. Hassan
[email protected]
Istanbul ,Turkey