4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
BIIXI“geyigan geeska Afrika-na maanta colaad uma baahna, dagaallo iyo colaad Soomaaliyi way kasoo daashay”


Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)- Goboladda iyo degmooyinka Somaliland ayaa si weyn ugu dabaaldegay maalinta Ciidal fidriga oo caalamka islaamka oo dhan maanta laga ciiday.

Dadweynaha ayaa saaka subaxii u dareeray tukashadda saaladda Ciidda, waxaana markii ay soo dhamaysteen dadweyne iyo caruurba u dareereen suuqyadda, iyagoo dadku isku salaamayaan ciid mubaarak iyo ciid wanaagsan, waxana dadweynaha ka dareemaysay wejigoodda farxad iyo reyn reyn.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland aya fagarayaal kala duwan kula tukaday dadweynaha reer Hargeysa, waxaanay dadweynaha ugu hambalyeeyeen munaasibadda Ciidda.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaal katirsan ciidamada kala duwan ee dalka iyo haldoor kale oo bulshada katirsan, ayaa kumannaan katirsan shacabka caasimadda Hargeysa kula tukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda.

Salaanta Ciidda ka dib waxa uu ka hadlay in aanu dagaalku cidna u fiicnayn,isla markaana ay doonayaan in dalalka jaarka nabad kula noolaadaan, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Haddii aynu Somaliland nahay waxa aynu caalamka oo dhan kula dhaqmaynaa wanaag iyo nabad, wixii dhexdeena khilaaf ahna waxa aynu ku dhammaysanaynaa nabad, Bani’aadamkuna meel uu joogaba wuu is khilaafaa, laakiin wuxuu ku dhammaystaa wada-hadal iyo nabad, dalalka Jaarka ah nabad baanu ugu baaqaynaa, dunida oo dhanna nabad baynu kula dhaqmaynaa, wixii khilaaf naga dhexeeya qaran ahaan ama dawlad ahaanna nabad baanu ugu baaqaynaa,”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay nabadda iyo siday muhiim u tahay, waxaanu yidhi “Colaad iyo tafaraaruq midna kuma jirno, geyigan geeska Afrika-na maanta colaad uma baahna, dagaallo iyo colaad Soomaaliyi way kasoo daashay, Somaliland-na nabad bay ku dhaqan tay oo ku dhisantay, deriskeedana nabad bay ugu baaqaysaa, gudaheedana wixii khilaaf ah ee jira nabad bay ku dhammaysanaysaa.”

Sallaadda kadib, waxa uu madaxweynuhu qasriga madaxtooyada ku qaabilay qaybo ka mid ah shacabka reer Somaliland oo carruur, dhallinyaro iyo waayeel isugu jira, kuwaas farxadda ciidul-fidriga awgeed booqasho ugu yimi, isla-markaana ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin madaxweynahooda inay la qaataan farxad ciidul fidriga awgeed.

Dhinaca kale,Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa shacabka ku dhaqan garoonka kubadda cagta GANNAD ee degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa kala qayb-galay salaadda Ciidul-fidriga.

Sidoo kale, waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku ka hadlay dagaaladda Tuko raq, waxanu yidhi “Dagaalka ay Soomaaliya maanta inagu waddaa waa dagaal xasad ah, warkooda way dhaqaaqeen oo meel bay gaadheene aynu lugta kaga xidhnaano, iyagu(Soomaaliya), lugta inaynu kaga xidhnaano oo aynu dhibaatada la qabno ayey jecel yihiin, innaguse taas ma jecline nabadgelyo ayeynu jecel nahay, ummadda reer Somaliland-na waxa aan leeyahay qiimaha nabaddu leedahay iyo wixii ina soo marayba waynu garanaynaaye aynu nabadda ku faro-adagyno oo waxa ina qaybinayo aynu ka tagno, waxa ina midaynayana aynu ka wada-shaqayno, qabyaaladda dagaal adag inaynu la galno ayeynu u baahannahay, xaqana inaynu isku taageerno ayeynu u baahannahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici). mar kale waxa uu ka hadlay dagaaladda labadda beelood ee Ceel afweyn, waxaanu yidhi “Annagu habeenna kuma seexanno inaanu dadkayaga kala jeclaysanno ama soo kala dhaweysannee, waxanu jeelnahay inaanu sida ugu dhakhasaba badan u dhammayno hawsha Ceel-afweyn, shacabka reer Somaliland-na waxa loo baahan yahay inay hawshaas nagala qayb-galaan.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.