4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Magaalada Beledweyne oo laga Oogay Salaada munaasabada Ciidul-Fidriga


Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)- Guud ahaan marka la eego masaajida magaalada Beledweyne ayaa subaxnimadii hore ee saakay laga bilaabay Akhirta Takbiirta, iyadoo Boqolaal ruux ay markii danbe meel fagaaro ah wada jir ugu Oogeen Salaada Cidda.

Culimada Salaada kaddib dadka la hadashay ayaa khudbadahooda dadka ku baraajiyay in ay ka shaqeeyaan Wanaaga, kana hortagaan wax kasta oo xumaan ah ama aan ku habooneyn Shareecada Islaamka, waxaana ay dhinaca kale Alle ka baryeen in uu ka aqbalo Soonka iyo guud ahaanba Acmaashii kala duwaneyd ee la soo qabtay intii lagu guda-jiray Bisha Ramadaan.

Dadka ayaa la arkayay iyaga oo raxan raxan jidadka hadba dhinac isku dhaafaya, meesha-na kama aysan marneyn isku marxabeynta iyo tahniyada ay dadku ku weyneynayaan munaasabada Ciidul-Fidriga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]