4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Madaxweyne Gaas “ Waan jecelnahay nabadda.. Haddii la garan waayo waan is difaaceynaa”


Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo dadweynaha salaadda Ciidda kula tukadey magaalada Garoowe,ayaa sheegay Puntland inay ka shaqeynayso nabadda , balse ay iska difaaci doonan cid walba oo soo weerarta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyo u direy shacabka , wuxuuna ugu baaqay midnimo - isagoo marka duulaan iyo daandaansi ku eedeyay Soomaaliland , waxaa kalo u caddeeyay Puntland inay dagaal caalami ah ku jirto oo ay iska difaaci doonan, al-Shabaab, Daacish iyo Soomaaliland.

“Dadka reer Puntland waxaan dhahayaa, dalka waa lagu soo duulay, haddii lagu soo duulay naftaadii maalkaagii iyo dhulkaagii waxaa kaliya ee lagaa rabaa waa inaad is difaacdo, waxaa la rabaa in aan marmarsiiyo loo samayn nabadda waan jecel nahay waligayana waan ka shaqayn jirnay, laakiin haddii la garan waayey oo duulaan bareer ah lagugu soo qaaday waa inaad is difaacdaan, waxaan isku difaacanaa midnimo iyo wadajir.” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gabagabadii, munaasabadda Ciidda oo ay hadallo ka jeediyeen mas’uuliyiin kala duwan ayaa dadkii hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Camey waxaa ay sheegeen Puntland inaysan cidna duulaan ku ahayn oo ay dooneyso inay gaarto dhulkeedda, waxaana ay si siman u sheegeen inay ka go’antahay siddii ay ku gaari lahaayeen dhammaan deegaannada gobolka Sool.

Iman Jama