4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Madaxda Qaranka oo Salaada munaasabada Ciidda ku Oogtay Masjidka Isbaheysiga

 

Jimco, June, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka Salaadda Ciidda kula tukaday kumannaan qof Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay muujiyaan midnimo, isu damqasho iyo is garab qabasho, lana shaqeeyaan hay’adaha amniga dalka si loola dagaalamo Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho dulqaadka ay sameeyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan, wuxuuna ku bogaadiyay laamaha amniga sida ay qorraxda iyo dhaxanta ugu taagnaayeen in ay dhiigga shacabka Soomaaliyeed badbaadiyaan.

Boqolaal ka mid ah Shacbaka Muqdisho ayaa madaxda Qaranka kala qeyb galay Dukashada Salaadii Ciida ee maanta taas oo lagu dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]