4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Basal xumaatay oo lagu qabtay magaalada Wajaale ee u dhexeysa Somaliland iyo Itooiya

 

Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)– Basal xumaatay oo la doonayey in Somaliland la soo galiyo ayaa laga celiyey magaalo xuduudda Togwajaale ee Somaliland iyo Itoobiya u dhexeysa.

Khudaartan ayaa la sheegay inay ka timid Suudaan,isla markaana soo dhexmartay Itoobiya, iyadoo lagu waday in magaalada Hargeysa la keeno, haseyeeshee hay’adda Tayadda Raashinka oo baadhitaan ku samaysay ayaa ogaatay inay Basasani jidka ku soo xumaatay ka dib markii Roob dhexda ka hellay.

Sarkaal ka tirsan hay’adda Baadha Tayadda Raashinka Somaliland ayaa sheegay in khudaartay badhna xumaatay badhna ay caadi ahayd, taas oo keentay in la kala qaybiyey oo intii caafimaad qabtayna la fasaxay intii kale dib loo celiyey sida ay Hay’ada kaantaroosha tayadda Raashinka.

Gaadhigan siday Basasha ayaa ahaa Afartan Tan, waxaana saarnaa sideed boqol oo Kiish, taas oo la sheegay in Roob helay ay sababtay inay dhexda ku xumaato oo aan la isticmaali Karin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.