4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Madaxweyne Waare oo hambalyada munaasabada Ciida u diray bulshada ku dhaqan Hirshabeelle

 

Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.

“Ilaahay ha inaga aqbalo Soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho si gaar ah bulshada  Hirshabelle waxaan ugu baaqayaa in ay ka digtoonaadaan dagaalada macnaha aan laheyn oo la xiriira qabiilka maalin walbo in dhiig loo daadiyo dagaallo qabiil ma ahan mid ka turjumeysa hiigsiga aan hiigsaneyno, waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaal beeleedyada ku soo noq noqday deegaanada Hirshabelle" ayuu yiri madaxweyne Waare.

Mudane Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle Ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay ciidamada Qalabka Sida ee ka howlgala deegaannada Hirshabelle ee habeen Iyo maalin u taagan u qidmeynta bulshada iyo xaqiijinta Amniga, sidoo kale ciidamada dagaalada kula jira kooxda argagaxisada Al-shabaab oo muujinaya geesinimo iyo dhalinyarada deegaanka oo kooxdaasi kula dagaalamaya, deegaanno ka tirsan Hirshabelle ayuu sidoo kale madaxweynaha dhambaal hambalyo u diray.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan , nabad, horumar ,barwaaqo iyo midnimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]