4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2018
Shan boqol oo maxaabiis ah oo cafis loo fidiyey Ciidda awgeed

 

Jimco, , June, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyey Maxaabiista dambiyadda fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Ku dhowaad shan boqol iyo kow iyo toban maxbuus ayaa dib loo siiyey xoriyadoodii bisha Ciida Ramadaan awgeed, waxaana maxaabiistan loo kala saaray siday u kala dambi fudud yihiin.

“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibada ciidal fidriga awgeed wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-113/062018 uu cafis u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 511 (Shan Boqol iyo Kow iyo Toban) maxbuus”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu hambalyo u diray shacabka Somaliland iyo guud ahaan dunidda Islaanka, waxaanu ku hambalyey fadliga Ciiddul fidriga awgeed.

“Munaasibadda ciidul-fidriga awgeed waxa aan hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, Ilaahay isaga ayaa awood leh ee ha inaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna dambi-dhaaf ayeynu ka baryeynaa, wixii dhibbana dhibta haka qaado.”ayuu yidhi Biixi.

Dhinaca kale, madaxweynuhu waxa uu dhambaal hambalyo ah u kala diray guud ahaan shucuubta Islaamka iyo in ka badan 40 (Afartan) dal oo uu madaxweynuhu qoraalo Hambalyo ah ugu gudbiyey Hambalyada Ciidal-fidriga awgeed.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.