4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul-Fidriga

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fitriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey in ay ku gaaraan caafimaad iyo nabad buuxda.

“ Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo caalamka ay ka joogaan, waxaan ku sallaamayaa Salaanta Islaamka, waxaan leeyahay Hambalyo , Ciid wanaagsan, Ciid Mubaarak, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga in uu nagu gaarsiiyo caafimaad iyo nabad buuxda” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha JFS, ayaa ciidamada qalabka sida, gaar ahaan ciidamada xasilinta uga mahad celiyey sida ay ugu dhabar adeegeen in Shacabka Soomaaliyeed ay ka difaacaan kooxda Alshabaab.

“Waxaan u mahad celinayaa ciidamada qalabka sida, ciidamada xasilinta oo habeen iyo maalin u taagnaa siddii Shacabka Soomaaliyeed uga difaaci lahaayeen kooxaha nabada ka so horjeeda” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celiyey la shaqeynta ciidamada xasilinta, waxaana uu xusay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto siddii magaaladda Muqdisho loogu soo dabaali lahaa ammaan iyo xasilooni.

“Waxaan u mahad celinayaa Shacabka Soomaaliyeed oo la shaqeeyey ciidamada xasilinta oo u dul qaatay culeysyada uga yimid isu-socdka magaaladda, waxaa ay dowladda ka shaqeyneysaa siddii magaaladaan ay ugu soo dabaali laheyd ammaan iyo xasilooni, waa loo baahan yahay wada-shaqeynta ciidamada qalabka sida iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale sheegay “Waxaan uga dagayaa Al-shabaab in ay ka waan toobaan oo ay joojiyaan dhibka ay shacabka ku hayaan, waxaa ay dowladda ka shaqeyneysaa siddii ay ugu hortagi laheyd falalkaas argagixisinimada leh, ayna ku yareen laheyd dhibaatooyinka Shacabka Soomaaliyeed uga imaanaya Al-shabaab iyo kooxaha la mid ka ah yiri madaxweynaha Soomaaliya

Ugu Dambeyn Madaxweyne Farmaajo, ayaa Ummadda Soomaaliyeed ku booriyey in laga wada shaqeeyo Nabadda , ayna isku xariistaan, maalinta Ciidda ahna ay kuwada Ciiddaan Jawi wanaagsan oo farxad leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]