4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Lugtii ugu horeysay Koobka Kubadda Cagta Aduunka oo maanta la cayaarayo

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL) – Waxaa maanta dalka Ruusha si rasmi ah uga furmaya tartanka Kubadda Cagta Aduunka iyadoo lugta ugu horeysay ee tartankan ay isku arki doonaan kooxaha kubadda Cagta dalalka Russia iyo Saudi Arabia.

Waxaa lagu wadaa in furitaanka tartanka uu ka qeybgalo madaxweyne Vladimir Putin, waxaana ay munaasabadu ka dhaci doontaa garoonka Luzhniki Stadium oo ku yaalla magaalada Moscow.

Russia ayaa waxaa ay qabashada koobka adduunka ku bixineysaa 13 bilyan oo dollar, ayada oo kulmada ay ka dhacayaan 11 magaalo oo marti-gelinaya.

Kulmada is-aragga hore ayaa soconaya illaa 28-ka June, halka kuwa is reereebka ay ay billaabanayaan 30-ka June. Cayaarta kama dambeysta ah ayaa dhaceysa 15-ka July.

Brazil, France, Spain, Argentina iyo dalka koobka difaacanaya ee Germany ayaa ka mid ah dalalka aadka loogu saadaalinayo in ay koobka hantaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]