4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Rabshado xoog leh oo ka socda Magaalada Laascaanood iyo wax-yeelo soogaadhey dad rayid ah

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL) – Rabshado mar kele sababay in albaabada loo laabo guud ahaan ganacsigii magaalada ayaa ka bilaabmay badhtamaha magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Rabshadahan ayaa ka billaabmay khilaaf dhex maray qaar ka mid ah ciidanka milateriga iyo nin qaadle ah, kaas oo markii danbe Gaadhey gacan ka hadal.

"Waxaan arkay askariga iyo wiilka qaadka iibinayey oo gacanta iskula tegey, waxaana kala qabqabanayey dhawr gabdhood, waxaa ay indhahaygu qabteen nin kale oo askari ah oo ninkii dhinac kale kaga bilaabay, walow aan ka durugsanaa waan soo kacay, waxaase ku soo kediyey wiil ku dhowaa oo isna ninkii la dagaalamay, wax-yar kaddib waxaa soo dhowaadey gaadhigii ay la socdeen oo ciidan saaran yahay, dhagax ayaa afarta gees lagaga bilaabay iyaguna rasaas xoogle ayay dadkii ku fureen" sidaa waxa yidhi Cali Xiis oo ka mid ahaa dhalintii halkaas ka dhoweyd.

Goobaha caafimaadka waxaa la geeyey sadex dumar ah oo dhaawacoodu daran yahay welise lala tacaalayo, waxaase dhici karta in khasaaruhu intaas ka badnaado, waayo weli ma jirto cid awood u helaysa inay suuqyada soo wada marto in xogta laga raadiyo isbitaalada maahaane.

Inta badan wadooyinka dhagxaan iyo qashin gubanaya baa yaala dad kacsana waa wareegayaan, ciidamo xooglihina hadba meel ayay rasaas ka ridayaan si ay dadka u kala dareeriyaan.

Maamulka Gobolka iyo degmo midkoodna weli kama hadal waxa ka dhacay magaalada Laascaanood oo maanta u muuqata mid dib ugu laabatay sanadihii 2007,2008 iyo 2009kii oo rabshadaha noocan ah ay si fudud ku kici jireen.

Magaaladu haatan waa Bandow aan cidi ku soo rogin, iyadoo lagu jiro maalintii u danbeysey u diyaargarowga maalinta ciidul Fidriga sida dadbadani saadaalinayaan, waxaana la filayaa in ay sii socdaan rabshaduhu dadbadana ciid seegaan.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool