4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Qof ka tirsanaa ergadii soo dooratay xildhibaannada oo lagu dilay Muqdisho

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)– Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay xalay mid ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.

Ninka toogashada lagu dilay oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cali Ibraahim (Gaadaay) ayaa la sheegay in rasaastu ka helleeshay qeybaha sare ee jirka.

Gaar ahaan toogashadn ayaa dhacday xili sida la sheegay marxuumka u ka soo baxay masjid uu ku soo tukaday salaada Taraawiixda.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaannada ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa markii danbe gaaray goobta uu dilka ka dhacay, hasse ahaatee uma aysan suurtagalin in ay qabtaan raggii toogashada geystay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]