4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Carruur ku geeriyootay dab ka kacay xaro barakacayaal degmada Wadajir ee gobolka Banaadir

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Saddex Carruur walaalo ah ayaa ku geeriyooday dab xalay ka kacay xero barakacayaal oo ku taal degmada Wadajir, meel aan ka fogeyn Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Guryaha uu qabsaday dabka ayaa ahaa guryaha cooshado iyo jiingado, waxaana ku baaba’ay illaa sagaal guri.

Maryan Axmed Faroole oo ah Hooyada dhashay saddexda Carruur ee dabka ku dhintay ayaa sheegtay in wax yar kaddib markii carruurteeda ay seexisay, isla markana aaday banaanka guriga uu dabka kacay.

Inta badan xeryaha Barakacayaasha ayaa waxaa ka kaca dab geysta khasaare kala duwan, waxaana sababta lagu macneynayaa guryaha oo ah kuwo aad isugu dhaw dhaw kana sameysan baco iyo cooshado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]