4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2018
Ciidamada dowladda oo xalay toogasho ku dilay qof ka tirsanaa Ururka Al-shabaab magaalada Beledweyne

 

Khamiis, June, 14, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa xalay toogasho ku dilay nin ka tirsanaa Al shabaab oo weerar ku qaaday askar ka tirsan ciidamada.

Ciidamada dowladda ayaa ku toogtay ninkan xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baladweyne kaddib markii uu rasaas ku weeraray Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Carab Yuusuf Nuur oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay toogteen ninkan kadib markii uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada.

Ciidamada dowlada  ayaa  ku jira foojignaan dheeraad ah inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan oo Al-shabaab inta badan ay kordhiyaan weerarrada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]