3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2018
Dalalka marti-galinaya Koobka aduunka sanadka 2026ka oo lagu dhawaaqay

 

Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Waxaa lagu wadaa in dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico ay si wadajir ah u marti gelinayaan Koobka Adduunka ee sanadka 2026 dhici doona, kaddib cod bixin ka dhacday dalka Ruushka oo berri ka furmaya Koobka Adduunka ee sanadkan.

Cod bixinta loo sameeyay saddexdan dal oo la isku yiraahdo Waqooyiga Ameerika iyo Morocco ayaa ugu dambeyn 134 dal waxay u codeeyeen saddexdan dal, halka Morocco ay heshay 65.

Koobka Adduunka ee sanadka 2026 ayaa waxaa markii u horeysay ka qeyb galaya 48 dal, halka iminka ay ka qeyb galayaan 32 dal.

Sanadka 2022 ayaa koobka Adduunka waxaa marti gelinaya dalka Qatar, waxaana uu noqon doona dalkii u horeeyay ee Carbeed ee Koob Adduun lagu qaban doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/13/2018 1:06 PM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway ayaa ugu deeqday lacag dhan $ 66, 813, 00 dollar qoysaskii ay saameynta weyn ku yeelatay fatahaadii uu dhawaan sameeyay Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne.

6/13/2018 12:02 PM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo u waheliyo madaxa golaha wasiirrada dowlad-gobolleedka , Sheekh Axmed Shaakir ayaa maanta si wadajir ah uga dhagax-dhigay magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb, saddex mashruuc oo muhiim u ah dowlad-gobolleedka.

6/13/2018 7:51 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa mamnuucay alaabaha carruurta ku ciyaaraan sida qoryaha, bastooladaha iyo baaruuda ee loo yaqaano Toys oo inta badan la isticmaalo maalmaha Ciida.

6/13/2018 7:19 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa wareegto uu soo saaray goor dhow xilkii uga qaaday agaasimayaasha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Puntland.

6/13/2018 6:31 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) –Shirkadda Amaana oo Deeq lacageed oo dhan $ 36, 677, 92 dollar ka qeybisay degmooyinka Beledweyne, Buual-burte iyo Jalalaqsi oo ay saameyn adag ku yeesheen daadadkii ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle ee dhawaan ku dhuftay gobolka Hiiraan.

6/13/2018 3:09 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)-Dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa billaabay eedeymo ay warbaahinta isu marinayaan kadib markii dhawaan Talyaanigu uu diiday in Dalkiisa uu ku soo xirto Markab siday dad muhaajiriin ah.

6/13/2018 2:24 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) - Dibedbaxayaasha ayaa maalintii labaad isugu soo baxay waqooyiga Itoobiya si ay u muujiyaan in ay ka soo horejeedaan warbixintii ay dowaladda toddobaadkii hore ku dhawaaqday oo ahayd in dowladdu ay Eritrea ku wareejineyso dhulka la isku haysto ee ku yaallo xuddudda Eritrea.

6/13/2018 2:15 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

6/13/2018 1:56 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

6/13/2018 1:43 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka iyo xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed.