4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2018
Madaxweynaha Puntland oo xilkii ka qaaday saraakiil sare oo amniga ah

 

Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa wareegto uu soo saaray goor dhow xilkii uga qaaday agaasimayaasha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Puntland.

Saraakiisha xilka laga qaaday waxaa ayaa kala ah, agaasimaha hay’adda sirdoonka ee PIA, Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) iyo agaasimaha hay’adda nabadsugidda ee PSS , Cabdullaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

“ Madaxweynaha wuxuu saraakiisha xilka ka qaaday marku tixgaliyay tallo soo jeedinta wasaaradda amniga iyo DDR-ta.” ayaa lugu yiri wareegta oo faahfaahin inta ka badan aan bixin. Mana jirto wali cid loo magacaabay xilalka muhiimka u ah amniga Puntland.

Iman Jama
[email protected]