4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2018
Shirkadda Amaana oo gargaar lacageed ka qeybisay degmooyinka Beledweyne, Buula-burte iyo Jalalaqsi


Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) –Shirkadda Amaana oo Deeq lacageed oo dhan $ 36, 677, 92 dollar ka qeybisay degmooyinka Beledweyne, Buual-burte iyo Jalalaqsi oo ay saameyn adag ku yeesheen daadadkii ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle ee dhawaan ku dhuftay gobolka Hiiraan.

Madaxa Shirkadda Amaana ee gobolka Hiiraan Xassan Ibraahim Xalane oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in qeybinta deeqdan lacageed oo ah howlgal ballaaran si joogta ah looga waday gobolka todobadii maalmood ee ugu danbeeyay bisha Ramadaan, si markaa qoysaska danyarta uga faa’ideystaan dhinaca kale maalmaha Ciida.

$ 27, 674 dollar oo ka mid ah lacagta ayaa ka timid Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ee dalka Canada, $ 2850 dollar Jaaliyada Gera ee dalka Jarmalka, halka 6, 153,92 dollar ay soo direen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Angola.

Wiikiilada Shirkadda Amaana ee degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi Cilmi Xuuriye Fiidoow iyo Maxamed Cabdulle Odawaa (Maxamed Hindi) oo deeqdan ka qeybiyay labada degmo ayaa ka mahad celiyay, iyaga oo sheegay in gargaarkan lagu soo beegay waqti ay siweyn ugu baahnaayeen dadka danyarta ah ee ku dhaqan labada degmo.

Marka laga soo tago qoysaskan lagu booqday xafaadaha ay ku nool yihiin ayaa sidoo kale waxaa gargaarkan la gaarsiiyay bukaannada ku jira Isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo qaarkood qaba dhaawacyo kala duwan.

Ugu danbeyntii Wakiilka Shirkadda Amaana ee gobolka Hiiraan ayaa uga mahad celiyay guud ahaanba jaaliyadaha Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay sidii loo caawin lahaa dadka ay saameysay Fatahaada Wabiga Shabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]