6/23/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray culimada Soomaaliyeed


 

Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la kulmay dalladaha ay ku midaysanyihiin culumada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay culumada diinta in ay dardar geliyaan kaalintooda kaga aaddan dagaalka ka dhanka ah afkaaraha xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadajirka iyo wada-shaqeynta culamadu ay asaas u tahay qorsheyaasha cirib-tirka argagixisada iyo dabar-gooynta fikradaha dib u dhigay dowladnimadeenna, oo ay ka mid yihiin qabyaaladda, musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Argagixisadu waxa ay ka macaashaan khilaafka ka dhex jira bulshada, gaar ahaan wada shaqeyn la’aanta culumada diinta iyo hormuudka bulshada. Sidaas darteed, waa in idinka oo mideysan mar kasta aad u iftiimisaan bulshada in dagaalka aan kula jirno argagixisada uu yahay jihaad waajib nagu wada ah.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay hibo u leeyihiin dhaqan sharaf leh oo waafaqsan diinteena suubban ee Islaamka, balse waxaa ku soo duulay kuwo ujeedkoodu yahay in ay tirtiraan cid kasta oo ku abtirsata magaceenna. Culumadu waa in ay bulshada u iftiimisaa dhagarta Al Shabaab iyo afkaarahooda gurracan.”

Dhanka kale, Culumada oo la wadaagay Madaxweynaha aragtidooda iyo talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Culumada ayaa sheegay in ay kalsooni ku qabaan dadaallada ay dowladdu ku bixineyso dib-u-habeynta garsoorka, ilaalinta madax-bannaanida dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo dib u soo-celinta boqolaalka dhallinyarada ah ee ku dhibaateysan xabsiyada shisheeye.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey culamadii ka soo qayb gashay kulankan sida ay u ajiibeen marti qaadkan, isagoona tilmaamay sooyaalka ay culumada Soomaaliyeed ku leeyihiin gobonnimo doonkii dalka iyo dadaallada ay haatan ku bixiyaan wacyigelinta, faafinta cilmiga, xoojinta amniga iyo toosinta dhaqanka bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
6/13/2018 1:06 PM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Jaaliyada Soomaaliyeed ee Norway ayaa ugu deeqday lacag dhan $ 66, 813, 00 dollar qoysaskii ay saameynta weyn ku yeelatay fatahaadii uu dhawaan sameeyay Wabiga Shabeelle ee magaalada Beledweyne.

6/13/2018 12:02 PM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo u waheliyo madaxa golaha wasiirrada dowlad-gobolleedka , Sheekh Axmed Shaakir ayaa maanta si wadajir ah uga dhagax-dhigay magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb, saddex mashruuc oo muhiim u ah dowlad-gobolleedka.

6/13/2018 11:01 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Waxaa lagu wadaa in dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico ay si wadajir ah u marti gelinayaan Koobka Adduunka ee sanadka 2026 dhici doona, kaddib cod bixin ka dhacday dalka Ruushka oo berri ka furmaya Koobka Adduunka ee sanadkan.

6/13/2018 7:51 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Wasaaradda Ganacsiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa mamnuucay alaabaha carruurta ku ciyaaraan sida qoryaha, bastooladaha iyo baaruuda ee loo yaqaano Toys oo inta badan la isticmaalo maalmaha Ciida.

6/13/2018 7:19 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa wareegto uu soo saaray goor dhow xilkii uga qaaday agaasimayaasha hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Puntland.

6/13/2018 6:31 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) –Shirkadda Amaana oo Deeq lacageed oo dhan $ 36, 677, 92 dollar ka qeybisay degmooyinka Beledweyne, Buual-burte iyo Jalalaqsi oo ay saameyn adag ku yeesheen daadadkii ka soo rogmaday Wabiga Shabeelle ee dhawaan ku dhuftay gobolka Hiiraan.

6/13/2018 3:09 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)-Dowladaha Talyaaniga iyo Faransiiska ayaa billaabay eedeymo ay warbaahinta isu marinayaan kadib markii dhawaan Talyaanigu uu diiday in Dalkiisa uu ku soo xirto Markab siday dad muhaajiriin ah.

6/13/2018 2:24 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) - Dibedbaxayaasha ayaa maalintii labaad isugu soo baxay waqooyiga Itoobiya si ay u muujiyaan in ay ka soo horejeedaan warbixintii ay dowaladda toddobaadkii hore ku dhawaaqday oo ahayd in dowladdu ay Eritrea ku wareejineyso dhulka la isku haysto ee ku yaallo xuddudda Eritrea.

6/13/2018 1:56 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

6/13/2018 1:43 AM EST
Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka iyo xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed.