Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) – Faah faahin
dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay xooggag ka tirsan Al-shabaab ku
qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Qansax-dheere ee
gobolka Baay.
Saraakiil ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa
sheegay in weerarkaasi ay ku geeryoodeen Laba ka mid ah ciidamadii ku sugnaa
fariisinka, halka ay ku dhaawacmeen laba kale.
Saraakiisha ayaa intaa ku daray in aysan jirin
intaa dhaafsiisan weerarka ka soo gaaray ciidamadooda, waxaana ay tilmaameen in
lagu daba jiro raggii weerarka ka geystay degmada Qansax-dheere.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay
dhinaca Al-shabaab oo la xiriira weerarka ay xalay ku qaadeen ciidamada
dowladda ee ku sugan deegaanka Qansax-dheere.
Dhinaca kale Shabaab ayaa duleedka deegaanka
Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay fiidnimadii xalay ku gubeen
gaari Qaad siday, iyada oo ay halkaasi ku geeryoodeen afar qof oo ka mid ahaa
rakaabkii gaariga saarnaa.
Al-shabaab ayaa tan iyo markii ay bilatay bisha
Ramadaan kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan deegaanada maamulka Koonfur
Galbeed iyo guud ahaanba saldhigyada ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobollada
dalka.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]