4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo kormeeray xarumo ciidan

 

Arbaco, June, 13, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeerkiisii caadiga ahaa wuxuu ku tagay qaar ka mid ah isgoysyada Muqdisho, xarunta dambi baarista ee CID-da, xarunta taliska ciidamada nabadgelyada wadooyinka iyo xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Khayre oo kormeerkiisa ay ku wehlinayeen Wasiirka amniga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada booliska, Taliyaha Asluubta, Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa dhammaan xarumahaasi oo uu booqday talisyadooda waxa uu ka dhageystay warbixino ku aadan qaabka ay u shaqeeyaan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xarunta Gaadiidka Booliska Soomaaliyeed ku booqday ciidamo cusub oo ku soo biiray Booliska, wuxuuna ku dhiirageliyay shaqada culus ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Mudane Ra’iisul Wasaare waxaa hortaada taagan ciidan boolis ah oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti, oo laba dufcadood ah, waxayna diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlgaladda hada socda.” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed.

Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa sheegay dhalinyaradan cusub ee Booliska ka tirsan in ay wax badan ku soo kordhin karaan arrimaha ciidamada, loogana faa’ideysan karo dhinacyo badan.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ciidamada u jeediyay hadal dardaaran ah ayaa trilmaamay in ay hortaallo shaqo culus, oo ah tan ugu wanaagsan ee muwaadin uu u qabto dalkiisa.

“Ciidamada cusub ee la soo tababaray waxaan leeyahay ku soo dhawaada dalkiina hooyo, waxaa idin sugeysa shaqo aad u culus, laakiin ah shaqada ugu wanaagsan ee qof uu u qabto dalkiisa, waxaan idinka rajeynayaa waxa la idin soo baray inaad uga faa’ideyn doontaan shacabkiina.

Khayre ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay qaabka ay ula shaqeeyeen ciidanka xasilinta oo ay ugu dulqaateen baaritaanada lagu sameynayo gaadiidkooda, taasi oo qeyb ka ah qorshaha lagu adkeynayo amniga caasimadda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]