3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2018
Puntland “ Ma jiro wadahadal aan kula jirno Soomaaliland”

 

Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada Puntland , Cabdullaahi Quraan-jecel oo wariyayaasha caawa kula hadlay Boosaaso, ayaa xaqiijiyay inuusan jirin wax heshiis ah iyo xata wadahal ah u socda Puntland iyo Soomaaliland, kaddib wareysi u bixiyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland , Sacad Cali Shire oo sheegay inay socdaan dadaallo ay beesha caalamka ku dooneyso in lugu xalliyo xiisada labada dhinac ee gobolka Sool.

Quranjecel , wuxuu sheegay Puntland inaysan wax wadahal ah ka gali doonin gobolka Sool “ Waxaan waydiinaya wasiir Sacad Cali Shire xagge kula heshiineysa Puntland - ma Laascaanu leeyahay .. ma waxay kula heshiineysa Puntland Garoowe iyo Laascaano dhexdooda - Waxaan u sheegney shacabka Soomaaliyeed horeyna ugu sheegney shacabka Soomaaliland waa la xoreynaya Laascaano waa dhul Puntland, waa dhul dastuuri ah.” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Waxaa kalo sheegay qodobbada u akhriyay Wasiirka Saacad Cali Shire inay soo jeediyeen beesha caalamka , markii ciidanka Soomaaliland ay gaareen deegaanka Tukaraq. Muranka gobolka Sool ee labada dhinac ayaa xooggeystay tan iyo markii ciidan Soomaaliland ay la wareegeen gacan ku heynta Tukaraq, waxaana halka dhowr mar ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidammada isku horfadhiya ee Puntland iyo Soomaaliland.













Click here
6/12/2018 1:25 PM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu deeqay agoonta Puntland lacag soddon kun oo doollar ah (30,000) , lacagta ayaa la sheegay madaxweynaha inuu ugu tala-galay ciid-siinta agoonta.

6/12/2018 12:53 PM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Booliska Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada xarunta ah ee Garoowe, howlgallada waxaa lugu xaqiijinnaya amniga,iyadoo goobaha laga tukaamaysto la geeyay boolis suga amniga,sida u xaqiijiyay taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.

6/12/2018 11:24 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya Mudane Nicolas Nihon.

6/12/2018 8:01 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Xassan Cali Maxamed “Amar Dambe” iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada.

6/12/2018 6:54 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) – Saraakiil uu horkacayo taliyaha howl-galinta ciidamada xoogga dalka Jen Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab.

6/12/2018 5:17 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shilin Soomaaliga cusub ee dowladda qorsheyneyso in ay soo daabacato.

6/12/2018 4:02 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Dowladda Spain ayaa aqbashay in markabkii siday muhaajiriin gaaraya 629 qof kadib markii Talyaniga iyo jasiiradda Malta ay diideen in markabka uu ku soo xirto dekadohooda, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaasi ku so warantay.

6/12/2018 2:51 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ku geeriyoodeen Doon ku qalibantay biyaha Wabiga Shabeelle, taa oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah isla gobolka Sh/Hoose.

6/12/2018 2:33 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuuker Ducaale Isloow ayaa Heshiis dib loogu dhisayo ciidamada Booliska Soomaaliya heer federalka iyo heer dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-duwaha howlaha gargaarka aadaminimo ee Soomaaliya.

6/12/2018 2:24 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku kulmay goor dhow jasiirada Sentosa ee dalka Singapore.

6/12/2018 1:55 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay afur iyo casho ah ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida kana soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle.