3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Belgium

 

Talaado, June, 12, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta warqadaha danjiranimo ka guddoomay Safiirka dowladda Belgium ay u soo dirsatay Soomaaliya Mudane Nicolas Nihon.

Nihon oo ah Danjirihii ugu horreeyey ee Belgium ay u soo magacawdo Soomaaliya ayaa Madaxwweyne Farmaajo u gudbiyey salaan uu uga siday Boqorka dalkaas Philippe Léopold.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Mukhtaar Mahad Daauud oo goob joog ku ahaa munaasabaddan ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay leedahay in Dowladda Belgium ay safiir u soo dirsato Soomaaliya,maadaama dhawaan dalkaasi uu marti-gelin doono Shirweynaha Iskaashiga Soomaaliya.

“Dalka Belgium waxa uu ka mid ahaa dalalka Yurub ee aan matalaadda diblumaasiyadeed ku lahayn Soomaaliya, maanta in safiir ay u soo magacaabaan Soomaaliya waxa ay tilmaam u tahay horumarka aynu ka sameynayno dhanka Xiriirka Caalamiga ah iyo xasilloonida la isku halleyn karo ee ka jirta Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.

Danjire Nicolas Nihon ayaa uga mahad-celiyey Madaxweyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadaha aqoonsiga ee Safiirnimo, isagoona tilmaamay in dalkiisa ay muhiim u tahay in xiriirka labada dal uu noqdo mid joogto ah oo ku dhisan iskaashi iyo xaqiijinta danaha labada shacab ee Belgium iyo Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
6/12/2018 3:56 PM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Afhayeenka madaxtooyada Puntland , Cabdullaahi Quraan-jecel oo wariyayaasha caawa kula hadlay Boosaaso, ayaa xaqiijiyay inuusan jirin wax heshiis ah iyo xata wadahal ah u socda Puntland iyo Soomaaliland, kaddib wareysi u bixiyay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland , Sacad Cali Shire oo sheegay inay socdaan dadaallo ay beesha caalamka ku dooneyso in lugu xalliyo xiisada labada dhinac ee gobolka Sool.

6/12/2018 1:25 PM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu deeqay agoonta Puntland lacag soddon kun oo doollar ah (30,000) , lacagta ayaa la sheegay madaxweynaha inuu ugu tala-galay ciid-siinta agoonta.

6/12/2018 12:53 PM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Booliska Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada xarunta ah ee Garoowe, howlgallada waxaa lugu xaqiijinnaya amniga,iyadoo goobaha laga tukaamaysto la geeyay boolis suga amniga,sida u xaqiijiyay taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal.

6/12/2018 8:01 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Xassan Cali Maxamed “Amar Dambe” iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada.

6/12/2018 6:54 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) – Saraakiil uu horkacayo taliyaha howl-galinta ciidamada xoogga dalka Jen Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab.

6/12/2018 5:17 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shilin Soomaaliga cusub ee dowladda qorsheyneyso in ay soo daabacato.

6/12/2018 4:02 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Dowladda Spain ayaa aqbashay in markabkii siday muhaajiriin gaaraya 629 qof kadib markii Talyaniga iyo jasiiradda Malta ay diideen in markabka uu ku soo xirto dekadohooda, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaasi ku so warantay.

6/12/2018 2:51 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux ku geeriyoodeen Doon ku qalibantay biyaha Wabiga Shabeelle, taa oo ku sii jeeday qeybo ka mid ah isla gobolka Sh/Hoose.

6/12/2018 2:33 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuuker Ducaale Isloow ayaa Heshiis dib loogu dhisayo ciidamada Booliska Soomaaliya heer federalka iyo heer dowlad Goboleed la saxiixday Peter De Clercq oo ah ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u Qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Isku-duwaha howlaha gargaarka aadaminimo ee Soomaaliya.

6/12/2018 2:24 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ayaa ku kulmay goor dhow jasiirada Sentosa ee dalka Singapore.

6/12/2018 1:55 AM EST
Talaado, June, 12, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay afur iyo casho ah ugu sameeyay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida kana soo jeeda dowlad goboleedka Hirshabelle.