Talaado, June, 12, 2018 (HOL) – Saraakiil uu
horkacayo taliyaha howl-galinta ciidamada xoogga dalka General Maxamed Sheekh
Madoowe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga
dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab.
Taliyaha iyo saraakiishii la soctay ayaa booqday
deegaanno dhowr ah oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo,kuwaasoo ay
saameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay.
Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Jen
Cismaaciil Saxardiid ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta
ciidamada goobaha ciidamada xoogga dalka kala wareegeen Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa dulleedka deegaanka Kaban kula
hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar
garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay in howlgalka uu sii socon doono
tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolada Jubbooyinka.
Taliyaha hogaanka howlgalinta ciidamada xoogga
dalka Jen Maxamed Sheekh Madoowe ayaa ciidamada Kula dar-daarmay in ay
shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin ciidamada
Qaran oo u taagan difaacooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]