4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2018
Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya oo Hiiraan Online uga warramay lacagta cusub

Talaado, June, 12, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya,Bashiir Ciise Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Shilin Soomaaliga cusub ee dowladda qorsheyneyso in ay soo daabacato.

Wasiirka maaliyadda Federaalka ayaa Sabtidii shir jaraa'id ku soo bandhigay naqshadda lacagta cusub oo isugu jirta 10,000 iyo 5,000, lacagtan waxaa ay noqon karta midda ugu wanagsan ee ay Soomaaliya yeelato, sida u  xaqiijiyay Bashiir Ciise , guddoomiyaha bangiga dhexe oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online.

"Si loo helo lacag cusub dowladda waxaa ay u gashay dadaal, waxayna soo martay marxaladdo kala duwan, hadda oo la joogo wajigii u dambeeyay ee daabacadda ayay mareysa, waxaa marka hore la daabici doonna 5,000 iyo 10,000 oo shilin."ayuu yiri guddoomiyaha bangiga dhexe

“Daabacaadda lacagtaan ayaa waxaa ku bixidoonto lacag dhan $41 milyan oo dollar, kharashkaas markii aan helno ayaan daabicidoonaa” ayuu ku sii daray mudane Bashiir Ciise

Mar uu guddoomiyaha ka hadlayey in lacagtaan cusub la daabacan karo ayuu wuxuu yiri “Aad iyo aad ayeey u adagtahay in lacagtaan dib loo daaboco. Qofkii isku daya, waxaa uga bixidoona dhaqaalo baddan oo marna uusan faa'iido ka helidoonin”

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda dhexe iyo dawlad goboleedyada ay heshiis ku gaareen in la dhaqan galiyo lacagtaan oo si toos ah uga hir-gasho dhammaan gobolada dalka Soomaaliya. Waxaana la rajeynayaa ayuu yiri guddoomiyaha in mustaqbalka lagu soo biirindoono 20,000 iyo 50,000 shillin si ay u sahlanaato isticmaalka shillinka Soomaaliga, loogana maarmo isticmaalka $ doolarka.

Shillinka Soomaaliga ayaa ka nabad-galay sicir barar baahsan oo ku dhac ka dib burburkii dowladda dhexe ee Soomaaliya, isaga oo aan kaalmo ka helin dawladihii badnaa ee dalka soo maray. Wuxuuna sarafka dollarka dhex heehaabayey inta u dhexeysa 21,000 – 24,000 shilling Som. Maanta suuqa weyne ee Bakaaraha waxaa lagu kala sarafanayey halkii ($1) Dollar lacag u dhiganta 23,000 oo Shillin Soomaali.