4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2018
Dowlad aqbashay muhaajiriin loo diiday in ay gallaan dalka Talyaaniga

 

Talaado, June, 12, 2018 (HOL)- Dowladda Spain ayaa aqbashay in markabkii siday muhaajiriin gaaraya 629 qof kadib markii Talyaniga iyo jasiiradda Malta ay diideen in markabka uu ku soo xirto dekadohooda, sida lagu sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Markabkan ayaa muhaajirintaan oo ay ka mid ahaayeen 123 da’yar ah oo aan cidi wehlin, 11 caruur oo aad u yaryar iyo toddobo hawyn oo uur ah, ka soo qaaday doomo baca la buufiyay ka sameysan, kuwaasi oo ku sugnaa oo ka soo sharaacday xeebaha Libya.

Da’yarta ayaa u dhaxeysay 13 ilaa 17 jir, waxa ayna ka kala yimadeen Eritrea, Ghana, Nigeria iyo Sudan, sida uu sheegay weriye, Anelise Borges oo saarnaa markabka.

Ra’isalwasaaraha Spain Pedro Sanchez, kaas oo xilka la wareegay toddobaad ka hor ayaa markaba u ogolaaday in uu ku xirto deked ku taalla bariga magalada Valencia.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ee Taliyaaniga Matteo Salvini ayaa diiday in Markab soo badbaadiyay muhaajiriin ay tiradooda dhan tahay 629 oo qof uu ku soo xirto dalka Taliyaaniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]