4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Mareykanka oo shaaciyay magaca iyo sawirka Askari Mareykanka ah oo dhawaan lagu dilay Soomaaliya

 

Axad, June, 10, 2018 (HOL) –Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay Sawirka iyo Magaca askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay Jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose.

Askariga ayaa magaciisa lagu sheegayy Alexander W. Conrad oo 26 jir ah,waxaa uu ku dhashay Arizone, waxaana uu ka tirsanaa cutubka 1aad, gaar ahaan kooxda 3aad ee ciidanka sida gaarka u tababaran.

Jimcihii la soo dhaafay ayay aheyd markii weerar duqeyn oo Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Baar Sanguuni lagu dilay askariga Mareykanka, halka lagu dhaawacay afar kale, sidoo kale ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Kenya ayaa khasaare ka soo gaaray weerarkaas.

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya boqolaal askari oo ka qeyb qaata howl galada gaarka iyo taageerida Ciidamada dowladda iyo AMISOM ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Guud ahaa marka la eego waa Askarigii Labaad oo Mareykanka lagu dilo Soomaaliya, iyadoo bishii May ee sanadkii hore deegaan ka tirsan Shabeellaha Hoose lagu dilay askari Mareykan ah, sanadkii 1993 ayay aheyd markii 18 askari Mareykan ah lagu dilay Muqdisho, lagana soo riday diyaarad Helicopter ah, kaddib dagaal ay la galeen maleeshiyaad Soomaali ah, waxaana dagaalkaas laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]