4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Madaxweyne Gaas oo xarig-jaray waddada wasaaradaha oo lugu dhisey isku-tashi

 

Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xarig-jaray waddada wasaaradaha ee magaalada Garoowe, oo lugu dhisay isku-tashi, waxaana dhaqaalaha ku baxay bixiyay Puntland, sida lugu xaqiijiyay war-saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Puntland.

Waddada oo dheerarkeedu yahay 1.5 km , waxaa ku baxday lacag gaaraysa 200,000 oo doollar, iyadoona ay dhistay shirkad laga leeyahay Turkiga,shirkadaas oo ah shirkaddii dhistay garoonka diyaarada magaalada Garoowe ee Jen. Maxamed Abshir.

"Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa wasaaradda maaliyadda iyo intii kale ee kala qeyb qaadatay hirgelinta dhismaha waddadan aadka u quruxda badan oo aan isleeyahay inay tahay waddooyinkii magaalada horey uga jiray mid aad uga tayo wanaagsan, ugana qiima badan, waan ku faraxsanahay daahfurka waddadan aad u jeedaan bilicda ka muuqata iyo sidda loo dhisay iyo farsamada, tayada waddo ee meesha kamuuqata, aad iyo aad bay noo cajab gelinaysaa kuna faraxsanahay." ayuu yiri madaxweyne Cabdiweli Gaas.

 

Gabagabadii,madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay waddadan in ay ku timid isku tashigii Puntland, wax badana lagu qabtay isku tashigaa uuna rajeenayo in wax badan oo  dambe lagu qaban doono, isla'markaana waxaa uu madaxweynuhu sheegay in dadka latuso in ay wax qabsan karaan ayagoon cid kale wax ka sugin.

Iman Jama