6/23/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Kakuma oo lugu qabtay bandhigii ugu horreeyay ee TEDx


 

Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Xerada qaxootiga Kakuma ee dalka Kenya oo ay ku noolyihiin bollaal Soomaali ah ayaa lugu qabtay bandhiga caalamiga ah TEDx ,waxaana marti ku ahaa oo guulaha ay nolasha ka gaareen ku soo bandhigay dad horey usoo marey nolasha qaxootinimo.

Bandhiga Sabtidii oo inta la ogyahay noqonaya midkii ugu horreeyay ee lugu qabto xero qaxooti, waxaa lugu soo bandhigay tusaalooyin wax-tar u noqon kara qaxootiga,dadkii hadallada jeediyay oo u badnaa dad kusoo barbaaray qaxootinimo waxaa ay soo bandhigeen sheekooyin ku saabsan dhibaatooyinkii ay noolasha kasoo mareen iyo waxyaabaha ku qasbey inay soo barakacaan, kuna nooladan xeryo qaxooti.

Inta uu socday bandhiga dadka aadka loo xiiseynayay sheekooyin nolashooda ku saabsan waxaa ka mid ah gabadha da'yarta ah ee caanka ku ah xayeysiinta dharka ay xirtaan dumarka Islaamka, Xaliima Aadan ah oo kusoo barbaartay xerada qaxootiga ee Kakuma balse dib u dejin ka heshay Mareykanka. Xaliima oo Soomaali ah waxaa ay si aad ah uga sheekeysay caqabadaha ku hareereysan dumarka qaxootiga iyo in sida looga bixi karo dhibaatooyinkaasi ay tahay in wax la baro dumarka.

Kakuma waxaa fursad u siiyay in lugu qabto bandhigaan caalamiga ah waxaa lugu sheegay xerada inay martigalisay oo ay ku noolyihiin qaxooti ka yimid meelo kala duwan , qoymiyad ahaanna ku kala duwan -waana sababta bandhiga dadka ka hadlay ay uga mid ahaayeen qaxooti kale oo kasoo kala jeeda dalalka Koonfurta Suudaan iyo DRC Congo, kuwaasi oo ka shekeeyay dhibta ay collaadu ku reebtay noolashooda iyo markii ay yimaadeen qaxootiga sida ay uga guul gareen noolasha.

Hadallada bandhiga laga jeediyay waxaa ay dhammaan dhiirrigalin u ahaayeen qaxootiga oo lugu booriyay in noolasha qaxootinimada laga bixi doono,balse ay ku dadallaan waxbarashada carruurta oo gabdhaha ay ka mid-yihiin.

 

Kaliya dadka qaxootiga horey usoo marey bandhiga kama aysan hadlin ee waxaa ka mid ahaa saraakiil sare oo ka kala socday bangiga adduunka, hay'adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya,iyagoo sharraxay horumarka ay qaxootiga ku tallaabsan karaan, marka tusaalooyinka la arki karo ee ay soo qaateen waxaa ka mid ahaa qaxooti badan oo horumar gaaray, kuwaas oo ay kamid yihiin Xaliima Aadan oo caan ku ah xayeysiinta dharka iyo nin kale oo qaxooti ah oo guul ka gaaray ciyaarihii Olympikada ee Brazil lagu qabtay.

Bndhiga TEDx waa madal la isku waydaarsado aragtiyo kala duwan ayna khudbado ka jeediyaan dad nolosha guulo ka gaaray, si ay dadka ugu sheegeen in ay caqabado soo mareen kana gudbeen, qof kastana uu sidaa yeeli karo haddii uu dadaalo.

Iman Jama
Nairobi,Kenya
 







Click here
6/10/2018 1:33 PM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay Sawirka iyo Magaca askarigii Mareykanka ahaa ee lagu dilay Jimcihii la soo dhaafay duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Sanguuni ee gobolka Jubadda Hoose.

6/10/2018 1:16 PM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xarig-jaray waddada wasaaradaha ee magaalada Garoowe, oo lugu dhisay isku-tashi, waxaana dhaqaalaha ku baxay bixiyay Puntland, sida lugu xaqiijiyay war-saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada Puntland.

6/10/2018 10:20 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL) –Waxaa dib loo furay qeybo badan oo xirnaa jidadka magaalada Muqdisho kuwaa oo maalmihii ugu danbeeyay dadka iyo gadiidka intaba loo diiday in ay isticmaalaan.

6/10/2018 9:14 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ayay maanta u suurogashay in ay dib ula wareegaan gacan ku heynta deegaanka Baar-zanguuni oo ay xalay la wareegeen Al-shabaab kadib duulaan ay halkaasi kusoo qaadeen.

6/10/2018 5:51 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta bacdamaa goobtaas ay tahay mid dan guud si loogu soo celiyo sideedii hore.

6/10/2018 5:46 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)-Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa gaaray dalka Singapore, halkaasoo uu ka dhici doono kulanka taariikhiga ah ee isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

6/10/2018 4:43 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Dagaalladan oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa saaka markale dib uga qarxay deegaanka Baar-Zanguuni oo qiyaastii 50 km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.

6/10/2018 2:42 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana kormeeray ra’iisal wasaaraha lagu sheegay in mid amniga la xiriira.

6/10/2018 2:20 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegey in wakiiladiisa aysan saxiixan war martiyeedka dalalka G-7 ee shirka ku lahaa dalka Kanada Jimcihii iyo Sabtidi, kadib markii uu dhibsaday war uu soo saaray reysal wasaaraha Kanada, Justin Trudeau, xilli uu Trump shirka ka soo tagay.

6/10/2018 2:13 AM EST
Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada hoose oo maalintii shalay weerar Ismiidamin ah ka geysteen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab.