4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2018
Dagaallo saakay dib uga biloowday deegaanka Baar-Zanguuni ee gobolka J/hoose



Axad, June, 10, 2018 (HOL)–Dagaalladan oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa saaka markale dib uga qarxay deegaanka Baar-Zanguuni oo qiyaastii 50 km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo.

Maleeyshiyaadka Al-shabaab ayaa xalay weerar xooggan ku qaaday deegaanka Baar-Zanguuni oo dhawaan lagala wareegay, waxaana u suurogashay in deegaankaasi ay la wareegaan kadib markii ay ka baxeen ciidamadii ku sugnaa.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo codsaday in aan magaciisa xigan sababo la xiriira in uusan ogolaansho u heeysan in uu warbaahinta la hadlo ayaa HOL u sheegay in ciidamadu ay saaka dib u weerareen deegaanka.

"Hadda aan kula hadlayo xabaddu way socotaa, ciidamo dheeraad ah ayaa nasoo gaaray, waxaana dagaalka uu ka socdaa deegaanka Baar-Zanguuni oo shabaab ay xalay dib u qabsadeen," Ayuu sarkaalku hadalkiisii raaciyay.

Deegaankan ayay 08-dii bishan Juun ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland iyo ciidamo Mareeykan ah kala wareegeen Al-shabaab, balse ciidamadii Mareeykanka ayaa isaga soo baxay aagaggii dagaalka, waxaana halkaasi ku haray ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo weerarro dhowr ah ay kusoo qaadeen Al-shabaab.

Dhinaca Kale, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa saaka gaaray deegaanka Buul-gaduud, waxaan madaxweynuhu uu ciidamada ku dhiirigeliyay in howlgallada la dardar geliyo.

Wixii wararkaasi kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonnaa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.