4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2018
Afhayeenkii Wasaaradda Amniga oo xilka laga qaaday

 

Isniin, July, 09, 2018 (HOL) –Kaddib Qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka Wasaaradda laga qaaday Cabdicasiis Xildhibaan.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa waxaa lagu sheegay in warqada xilka qaadista Afhayeenkii Wasaaradda amniga ay soo baxday 5 bishan July balse aanan warbaahinta lala wadaagin.

Laakiin C/casiis (Xildhibaan) ayaa dhinaciisa sheegay in been abuur ay tahay xilka qaadistiisa in ay soo baxday 5-tii bishan balse isaga uu Wasiirka Amniga u gudbiyay is-casilaadiisa 7-dii bishan kaddib weerarkii Otto Otto

C/casiis Xildhibaan ayaa yiri’’Anigoo ka jawaabaya qoraal uu isoo gaarsiiyay Xogheynta Wasiirka Amniga oo ku saabsan qoraal la been abuuray inuu soo baxay 5-tii bishan July in la iga qaaday xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, waxaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inaan xilkaas iska casilay 7-dii bishan, kaddib markii weerarka lagu soo qaaday Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga”. ayuu ku yiri C/casiis Xildhibaan kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka.

Xil ka qaadistan ayaa timid kaddib markii C/casiis Xildhibaan uu weerar afka ah ku qaaday mas’uuliyiinta dowladda isaga oo sheegay in ay gabeen howlihii loo idmaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]