Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha
Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta kormeeray
wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog-wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan.
Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta
Jamaal Maxamed Xassan oo ka warbixiyay kormeerka Ra’iisul Wasare Xasan Cali
Khayre uu ku tegay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in uu xog badan ka siiyay
heerka uu marayo dhaqaalaha dalka, kobaca dhaqaalaha, qiimaha maciishadda kala
duwan ee dalka, qorshaha qaranka, mashaariicda kala duwan ee ka socda dalka,
wax soo saarka dalka (GDP), maalgashagiga dalka, fursadaha iyo caqabadaha jira,
iyo dhismaha golaha dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeeray
xafiisyada wasaaradda waxa uuna mid mid u waraystay agaasimayaasha waaxyada
kala duwan iyo shaqaalaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta,
waxa ayna uga warbixiyeen shaqada ay qaranka u hayaan.
Kormeerka ayaa qeyb ka ahaa howlaha
kor-joogtaynta iyo dabagalka lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha iyo hey’adaha
kale ee dawladda si looga mira dhaliyo qorshaha xukuummadda ee ku salaysan isla
xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]