4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2018
Eritrea oo fursad u heysata in ay mar kale ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah

 

Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Kaddib markii labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea meel iska dhigeen colaadii muddada dheer dhax tiilay, ayaa waxaa ay u muuqataa dowladda Eritrea in mar kale ay ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay inay rajeynayaan in Eritrea ay dib uga mid noqoto Urur Goboleedka IGAD, kaddib markii ay sanadkii 2007-dii ka baxday xubinimada Ururka.

Maxbuub Macalin ayaa ku amaanay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida geesinimada leh uu u fuliyay heshiiskii Algiers iyo inuu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal Eritrea iyo Itoobiya.

“Waxaa rajeyneynaa in Eritrea dib ugu soo laabato IGAD oo ay booskeeda rasmiga ah uga qeyb qaadato kaalinteeda horumarinta iyo nabadda Gobolka”ayuu yiri Maxbuub Macalin.

Labada dal ayaa ku heshiiyay I nay dib u soo celiyaan xiriirkii ka dhaxeeyay, iyadoo la isu furayo ganacsigii iyo duulimaadyada, waxaana diyaaradda Ethiopian Airlines lagu wadaa inay duulimaadyadeeda ka bilowdo Eritrea muddo 20 sano kaddib.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]