4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 9 , 2018
Qaar kamid ah Wasiiradii la magacaabay ee Jubbaland oo la dhaariyay

Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Ilaa lix wasiir oo ka tirsan xubnihii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta loo dhaariyay, xilalkooda, ayadoo munaasabadda dhaarinta ay ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

Goobtii lagu dhaarinayay xubnaha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan, oo kula dardaarmay xubnaha golaha wasiirada cusub ee maanta xilka loo dhaarinayo in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan sharciga.

Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Jubbaland  Barre Ibraahim Axmed ayaa dhaariyay masuuliyiinta, ayadoo xubnahan ay gacanta saareen kitaabka qur’aanka kariimka ah, kuna dhaarteen in ay waajibaadkooda u gudan doonaan si waafaqsan shareecada Islaamka islamarkaana ku dhaqmi doonaan dastuurka dowlad goboleedka Jubbaland.

Xubnaha maanta xilalkooda loo dhaariyay ayaa kala ah;
  • Dr. Mursal Max’ed Khaliif, Wasiirka wasaaradda caafimaadka Jubbaland
  • Eng. Cabdi Xuseen Max’ed Wasiirka wasaaradda warfaafinta, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyadda Jubbaland    
  • Mudane Cumar Max’ed Cabdi, Wasiirka wasaaradda dastuurka iyo arimaha Federaalka Jubbaland
  • Mudane Caydiid Saleebaan Xaashi, Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland
  • Mudane Max’ed Xasan Max’ed, Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Jubbaland
  • Eng. Ismaaciil Axmed Garas, Wasiirka wasaaradda Howlaha guud iyo guriyeynta
Xubnahan ayaa kamid wasiirada cusub ee kasoo dhex muuqday isku shaandheyn uu madaxweynuhu dhawaan ku sameeyay golihiisa wasiirada, ayadoo ay xusid mudantahay in ay jiraan wasaarado aysan saameyn ku yeelan isku shaandheynta oo ay kamid yihiin,  wasaaradaha Amniga, Arimaha gudaha, Maaliyadda, Waxbarashada iyo Beeraha.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.