9/22/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2018
Khayre oo shir gudoomiyay kulan ay yeesheen Guddiga Dhaqaalaha dalka


 

Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee guddiga dhaqaalaha dalka oo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, dhismaha golaha dhaqaalaha, Sharciga iibka, sharciga canshuuraha, qaadista canshuurta berriga iyo maaraynta maaliyadda.

Ugu horeyn Wasiirka maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay halka uu marayo qorshaha dayn cafinta dalka, SMP3 iyo waxyaabaha la doonayo in lagu guulaysto si Soomaaliya deynta looga cafiyo dibna ay ula fal gasho hey’adaha dhaqaalaha aduunka.

Wasiirka qorsheynta xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa isna ka war bixiyay dhismaha qolaha dhaqaalaha oo maraya heer gebagebo ah kaas oo dawladda ka taageeraya ka shaqeynaya kobcinta dhaqaalaha.

Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa hoosta ka xariiqay in dhaqaalahu uu yahay laf-dhabarta dawladnimada Soomaaliya, dhibaatooyinka hor taagan horumarka dalkana ay ugu horeyso dhaqaala yarida, sidaas darteed muhiimadda 1-aad ee xukuummaddu ay tahay in Soomaaliya deynta laga cafiyo si caqabadaha hor-taagan looga gudbo oo dawladdu ay awood ugu yeelato in adeegyada muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed wax ka qabato sida horumarinta amniga, waxbarashada, caafimaadka, shaqo abuurka iyo dhismaha wadooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamaystirka tubta horumarinta dhaqaalaha iyo qorshaha lala tegayo shirka Brussels oo dhawaan uu ka qeyb gelayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
7/9/2018 4:06 PM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) –Kaddib Qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka Wasaaradda laga qaaday Cabdicasiis Xildhibaan.

7/9/2018 2:18 PM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)– Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Itoobiya ayaa khudbad kooban ka jeediyay casho sharaf loo sameeyay kaddib kulan uu la qaatay madaxweynaha Ertirea.

7/9/2018 11:25 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka UK Boris Johnson ayaa iscasilay iyadoo arrintana ay dhabar jab ku noqonaysa dowlada ay madaxda ka tahay Theresa May iyadoo uu soo if baxay khilaaf ku saabsan ka bixitaanka Briatin ay ka maalin ka horna uu is casilay baxaysa Midowga Yurub.

7/9/2018 10:50 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan.

7/9/2018 9:15 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Kaddib markii labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea meel iska dhigeen colaadii muddada dheer dhax tiilay, ayaa waxaa ay u muuqataa dowladda Eritrea in mar kale ay ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah.

7/9/2018 8:58 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Wareegto goor dhaw ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya Xassan Macalin Xusseen.

7/9/2018 6:24 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Ilaa lix wasiir oo ka tirsan xubnihii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta loo dhaariyay, xilalkooda, ayagoo munaasbadda dhaarinta ay ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

7/9/2018 12:51 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Ankara halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.

7/9/2018 12:35 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) - Ra’isal Wasaaraha Isbedel doonka ah ee Itoobiya Abiy Axmed oo xilkan loo doortay bishii April ee la soo dhaafay waxaa uu gar-waaqsaday in la soo afjaro dagaal muddo ka badan 20 sano dalkiisa kala dhaxeeyay dowlad ay dariska yihiin ee Eritrea.