7/20/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2018
Muxuu uga dhiggan yahay Soomaaliya heshiiska Itoobiya iyo Eritrea


 

Isniin, July, 09, 2018 (HOL) - Ra’isal Wasaaraha Is-bedel doonka ah ee Itoobiya Abiy Axmed oo xilkan loo doortay bishii April ee la soo dhaafay waxaa uu gar-waaqsaday in la soo afjaro dagaal muddo ka badan 20 sano dalkiisa kala dhaxeeyay dowlad ay dariska yihiin ee Eritrea.

Tallaabadan uu qaaday ra’iisal wasaaraha Itoobiya marka laga soo tago faa’iidada ugu jirta labada dal, dhinaca kale waxaa la leeyahay heshiiskan waxaa uu muhiim u yahay nabada gobolka oo idil, gaar ahaan dowladdaha dariska la ah dalalkan heshiiska taariikhiga ah gaaray.

Gaar ahaan Soomaaliya ayaa ka dhaxli doonta  heshiiskan degenaasho siyaasadeed iyo mid Amni intaba, madaama colaada muddada dheer soo jirtay ee labada dowladood sababtay fara-galin uga imanayay labada dal, gaar ahaan Eritrea oo muddo dheernab lagu eedeeynayay in ay taageero hoose siiso kooxda Al-shabaab iyada oo ku xumeyneysa dowladda Itoobiya oo dagaal kula jirtay kooxaha Argagixisada oo ay Al-shabaab-na ka mid tahay.

Sidoo kale heshiiskan ayaa dhinac kale la sheegay in uu baal cusub oo ah Soomaalida ka wada hadli karaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeya,  iyadoo tusaala ugu fiican loo soo qaadanayo in Muqdisho iyo Hargeysa meel iska dhiggi karaan muran siyaasadeedka muddo dheerba soo jiitamayay dib-na u midoobi karaan.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in dib loo bilaabayo dulimaadkii labada dal, khadkii is gaarsiinta iyo in Itoobiya ay ka faa’ideysan doonto isticmaalka dekedda Eritrea, waxaana sidoo kale heshiika ku jira in dadka reer Eritrea booqan karaan eheladooda ku nool Addis Ababa.

Madaxweynaha muddada dheer ka talinayey dalka Eritrea, Issias Efewerki ayaa soo dhaweeyay niyad wanaaga ra’isul-wasaaraha da’da yar ee Ethiopia, Abyi Ahmed, kaasi oo shalay markii ugu horreysay booqasho rasmi ah ku tegay caasimadda dalka Eritrea ee Asmara.

Gobalka oo idil ayaa heshiiskan soo dhaweeyay, gaar ahaan Eritrea laftirkeeda ayaa ka faa’iidi doonta heshiiskan madaama ay muddo dheerba saarneyd  cunaqabateyn uga imanayay QM oo ku eedeysay xukuumadda Asmara in ay taageerto kooxaha Argagixisada gaar ahaan Ururka Al-shabaab, inkastoo mar walba Eritrea ay beenineysay eedeymahan.

Dadka siyaasada ka faalooda ayaa rumeysan in Eritrea markan heysato fursad caalami iyo mid gobaleed, si ay mar kale ugu soo muuqato masraxa siyaasadda iyo kulamadda Ururradda caalamiga, waxaana hor yaalla fursad ay ku heshisiin karto dowladda Itoobiya iyo Ururka xoreynta ee ONLF, oo ay madaxdooda haatan ku sugan yihiin Asmara.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







Click here
7/9/2018 4:06 PM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) –Kaddib Qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa lagu sheegay in xilkii afhayeenka Wasaaradda laga qaaday Cabdicasiis Xildhibaan.

7/9/2018 2:18 PM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)– Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Itoobiya ayaa khudbad kooban ka jeediyay casho sharaf loo sameeyay kaddib kulan uu la qaatay madaxweynaha Ertirea.

7/9/2018 11:25 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka UK Boris Johnson ayaa iscasilay iyadoo arrintana ay dhabar jab ku noqonaysa dowlada ay madaxda ka tahay Theresa May iyadoo uu soo if baxay khilaaf ku saabsan ka bixitaanka Briatin ay ka maalin ka horna uu is casilay baxaysa Midowga Yurub.

7/9/2018 10:50 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo maanta kormeeray wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ayaa kulan xog wareysi ah la qaatay wasiirka wasaaradda, Jamaal Maxamed Xasan.

7/9/2018 9:15 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Kaddib markii labada dowladood Itoobiya iyo Eritrea meel iska dhigeen colaadii muddada dheer dhax tiilay, ayaa waxaa ay u muuqataa dowladda Eritrea in mar kale ay ka soo dhax muuqato kulamada caalamiga ah.

7/9/2018 8:58 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Wareegto goor dhaw ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta dowladda Soomaaliya Xassan Macalin Xusseen.

7/9/2018 6:24 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Ilaa lix wasiir oo ka tirsan xubnihii uu dhawaan magacaabay madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam ayaa maanta loo dhaariyay, xilalkooda, ayagoo munaasbadda dhaarinta ay ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo.

7/9/2018 12:58 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee guddiga dhaqaalaha dalka oo looga hadlay sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka, dhismaha golaha dhaqaalaha, Sharciga iibka, sharciga canshuuraha, qaadista canshuurta berriga iyo maaraynta maaliyadda.

7/9/2018 12:51 AM EST
Isniin, July, 09, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Ankara halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.