Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi Jeex oo xayiraadii ka qaaday Wargeyska Haatuf
Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Maxkamadda Rcfaanka
gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa xayiradii ka qaaday wargeyska
madaxa banaan ee Haatuf oo muddo afar sanno ah xidhnaa.
Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi Jeex waxay
amar ka soo saartay xayiraadii saarnayd wargeyska, ruqsadii soo bixitaankana
usoo celisay Wargeyska Haatuf ee luuqada Af-soomaaliga ku soo bixi jiray.
“Sida la ogsoon yahay xukuumadda Somaliland ayaa
7/4/2014 albaabada u laabtay xaruntii shirkadda Haatuf Media Network ee soo
saari jirtay saddexda Wargeys ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef
Al-Carabi, iyadoo xoog ciidan kula wareegtay xafiisyadii, agabkii iyo qalabkii
xaruntaasi yaalayba.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay maamulka wargeyska
Haatuf.
Waxaana intaas lagu daray “afar dhibane oo saddex
ka mid ahi ka tirsan yihiin masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda Somaliland
waxay dacwad ciqaab ah kusoo oogeen wargeyska Haatuf, waxaanay 25/6/2014
Maxkamadda gobolka Hargeisa oo uu xiligaa guddoomiye ka ahaa Faysal Cabdilaahi
Ismaaciil (Faysal-dhago- dhago), garsoore-na ka ahaa Asad Nuur xukun xadhig
dhawr sanadood ah ku riday Mulkiilihii Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe
iyo Tafatirihiisii Axmed Cali Cige, isla markaana waxa uu xukunkaasi baabiiyey
ruqsadii uu kusoo bixi jiray Wargeyska Haatuf oo qudha, iyadoo sheegtay ‘inuu
caadaystay af-lagaadada ummadda Somaliland, khaas ahaan masuuliyiinta qaranka’.
Wargeyska Haatuf waxa lagu haystay maqaalo uu
kusoo bandhigay musuqmaasuq ay ku kaceen masuuliyiin sarsare oo ka tirsanaa
xukuumadii Somaliland ee xiligaas jirtay iyo waliba awood maroorsi ay ku kaceen
shaqsiyaad aan xil rasmi ah dawladdaasi ka haynin. Hadaba inkastoo xukunkaasi
ahaa mid lanagu dulmiyey oo awood dawladeed la nagu muquuniyey hadana waxa
intaas noo dheeraa xukuumadda oo naga joojisay soo-saaristii labadii wargeys ee
kale ee kala ahaa The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyadoo aanay
haba-yaraatee jirin cid kasoo dacwootey iyo wax xukun ah oo ku dhacay labadaas
wargeys, taas oo aanu horaantii 2016-kii maxkamadda u gudbinay dacwad aanu ku
codsanayno in dawladdu noo magdhawdo khasaarihii meherad ahaan (business) iyo
hanti ahaanba naga soo gaadhay, soo bixid la’aanta labadaas wargeys ee
Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi laga soo bilaabo 7/4/2014.
Ugu danbayn waxaanu halkan mahadnaq balaadhan uga
soo jeedinaynaa Maxkamadda rafcaanka gobolka Maroodi Jeex ee xayiraadii ka
qaaday wargeyska Haatuf iyo dhamaan shacbiga reer Somaliland ee taageersan
xoriyatul-qawlka, gaar ahaan xoriyada saxaafadda.”.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.