4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda dalka Turkiga

 

Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo bishii hore dib loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maanta uga sii gudbo dalka Jabuuti magaalada Ankara ee dalka Turkiga, si uu uga qeyb-galo munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga.

Munaasabada caleemo saarka iyo dhaarinta Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa maalinta berri ka dhacaya Ankara, waxaana ka qeyb-galaya madax badan oo ka socota dalalka caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Medvedev ayaa ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweyne Erdogan.

Dhamaadkii bishii June ayeey aheyd markii Erdogan loo doortay Madaxweynaha Turkiga, kaddib doorasho ka dhacday dalkaas oo aheyd tii u horeysay oo hal mar la doorto Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Nidaamka cusub ee dalka Turkiga uu yeeshay ayaa ka dhigay Erdogan mid awood badan leh oo isku noqonaya Madaxweynaha Jamhuuriyada ahna madaxa laanta fulinta ama Xukuumada.

Madaxweynaha ayaa soo magacaabayaa Madaxweyne ku-xigeenka dalka, golaha wasiirada iyo xubnaha sar sare ee u adeegayaasha bulshada (Civil Servants), waxaana muddo xileedka xafiiska Madaxweynaha cusub uu noqonayaa 5-ta sanno ee soo socota.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]