4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Otto Otto


Axad, July, 08, 2018 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidamada Booliiska ayaa xalay booqday cisbitaallada lagu daweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii aragagaxisadu ay la beegsadeen xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku naf-waayay qaraxaas ay kooxda caadeysatay daadinta dhiigga Soomaaliyeed u qorsheeyeen in ay ku gumaadaan shacabka, waxa uuna dhanka kale ballan qaaday in dadka ay soo gaareen dhaawacyada aan waxba looga qaban karin gudaha dalka ay dawladdu u qaadayso dalka dibaddiisa.

"Maanta waxaa dhacay qarax ay fuliyeen kooxaha arxanlaawayaasha ah ee dhaqankoodu yahay in shacabka baabi'iyaan. Inta ku dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacana Allaha Bogsiiyo.

Waxa aan rajeynayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay nagala shaqeeyaan soo afjaridda kuwaan caadeestay in ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamadu waa dadaaleen bilihii la soo dhaafay hadana waxaan u ballan qaadayaa shacabka Soomaaliyeed in dadaalka lasii wadi doono dowladda Soomaaliyeed ma nasan doonto inta amnigu ka hagaagayo

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]