4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku sii jeeda magaalada Baydhabo

 

Axad, July, 08, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku- simaha Madaxweynah Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saakay ku wajahan Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koofur galbeed.

Guddoomiyaha safarkiisa Baydhabo waxaa ku wehlinaya Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

Ku simaha Madaxweynaha JFS ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxa uu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Maamulka Koofur galbeed, Xildhibaannada iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaasi.

Waxaa sidoo kale safarka qeyb ka noqon doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degaanada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya.

Safarka uu guddoomiyaha ugu amba baxaya saakay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka noqonaya safaro uuu guddoomiyaha ku tagi doono magaalooyinka maamul goboleedyada dalka si uu kulamo wadatashi ula soo yeesho mas'uuliyiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka maamul goboleedyada dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]