4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2018
11 Arday Soomaali ah oo heley Deeq Waxbrasho gobolka Ohio


Axad, July, 08, 2018 (HOL) – Sanad walba xilligan oo kale waxaa magaalada Columbus Ohio ee dalkan Mareykanka lagu qabtaa xaflad loogu talo galay ardada dhamaysatay dugsiyada Sare iyo kuliyadaha kala geddisan ee gobolka Ohio.

Xafladdan oo ay qeybaha bulashada, madaxda gobolka iyo ardada intuba ka soo qeybgalaan waxaa soo abaabulay isla markaana soo waday mudo 9 sano ah Hay’ada SomaliCAN, oo ah hay’ad u adeegta bulshada, waxaana laf dhabar u ah Prof. Jibril Mohamed.

Waxaa goobta ka hadlay madaxda dowladda hoose, gobolka iyo heer qaran, Cabdikhayr Soofe oo ah xiriiriyaha xafiiska duqa magaalada, ABukar Osman Balle Safiirka Dowlada Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay iyo Masuuliyiin kale.

Doorka waliidiinta Soomaaliyeed ayaa lagu tilmaamay mid aan qarsoomi karin iyada oo loo mahad celiyay waalid walba oo ubadkiisa gaarsiiyay meel uu ka sii socon karo isla markaana Tusaale wanaagsan u noqon kara Jiilasha la siman.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka soo qeybgasha xafladan sanadwalba waxa ay ka helaan deeqo waxbarasho iyo dhiiranaan ay ku sii wataan waxbarashadooda. Deeqaha waxbarasho waxaa gacan weyn ka geysta qareennada Flickinger Legal Group oo muddo dheer la shaqaynayay bulshada Soomaaliyeed.

Sanadkan waxaa abaalmarin la gudoonsiiyay 11 Arday oo kala ahaa Shan wiil iyo Lix gabdhood, waxayna qeyb ka ahayeen arday badan oo aan ku soo bixin qorituurkii loo sameeyay ardada. Ardada

1 Sumayah Aden, Dublin Coffman High School

2 Salma Mohamed, Westerville Central High School

3 Safia Hersi, Westerville Central High School

4 Omar Jeylani, South-Western Career Academy

5 Mohamed Awil, Mifflin High School

6 Mohamed Abdulahi, Horizon Science Academy

7 Maryam Bafadal, Franklin Heights High School

8 Kiin Ali, Franklin Heights High High School

9 Fardowsa Dahir, Hilliard Bradley High School

10 Abdulkhabir Hassan, Connections Academy

11 Abdifatah Warsame, Franklin Heights High School

Taageerada iyo deeqaha waxbarasho ee ardaydan la siiyay waxaa gacan ka geystan meherado Soomaaliyeed iyo kuwo Soomaalida la shaqeeya oo ay ka mid yihiin:

Flickinger Legal Group, Fifth Third Bank, Focus, FCCS, CareSource, Columbus CRC, OSU AAAS, the Buckeye Ranch, Zenith Academy, OSU Social Work, Denison University, Hiiraan Online, Midnimo Middle, MAS, Twinkle Star, Enhanced, iyo kuwo kale oo baddan

Barnaamijka qalinjebinta iyo deeqaha waxbarashada Ohio ayaa loogu talagalay in lagu muujiyo dedaalka dheeriga ah ee ardayda iyo waaliddiinta Soomaaliyeed ka sameeyaan dhanka waxbarashada taas oo si weyn uga dhex muuqata marka loo eego qowmiyadaha soo galootigaa.

Dhiirogalinta iyo qabashada xafladan ee sanadwalba waxay niyad dhis iyo baraarug u noqotaa dhalinyaro baddan oo ku dhiiraday in ay dib ugu laabtaan waxbarashadoodii.

Xafladda qalinjebinta ayaa ku soo dhammaatay farxad iyo rayrayn iyada oo waaliddiinta iyo madaxda bulshadu hambalyo iyo bogaadin u jeediyeen ardada ku guulaysatay deeqaha waxbarasho iyo dhammaan ardada ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha Ohio sannadkan 2018.

Deeqo Shire (SONNA)

Columbus Ohio