4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Aqoon-isweydaarsiga Hogaaminta Dhallinyarada ee Arrimaha Biyaha

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Waxaa bishan Luuliyo 5teedii magaalada Muqdisho ka furmay aqoon-isweydaarsi socon doona dhowr maalmood oo ku saabsan sidii ay dhallinyaradu u qeyb qaadan horumarinta arrimaha biyaha magaalada Muqdishu, si ay dadku u helaan biyo nadiif ah.

Kulankaas waxaa ka qeyb qaatay dhallinyaro badan oo ka kala socday ururada dhallinyarada ee magaalada.

Waxaa aqoon-isweydaarsiga soo qaban qaabiyey hey’adda Somali Water Partnership oo wada shaqeyn la leh Somali Centre for Water & Environment.

Arrimaha ku saabsan aqoon-isweydaarsiga waxaa faafaahin ka bixisay guddoomiyaha ururka Somali Country Water Partnership Asli Ismaaciil Ducaale.

Waxaa furitaankii aqoon-isweydaarsi ka soo qeyb galay isla markaana ka soo jeediyey hadalo ku saabsan mowduuca aqoon-isweydaarsiga Xildhibaan Fowsiya Xaaji Aadan iyo Xildhibaan Maryan Cabdi Geedi.

Waxaa aqoon-isweydaarsiga si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/waaxid Axmed Ibraahim. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay Danjire Dr. Cilmi Axmed Ducaale.

Waxaa sidoo kale hadalo ku saabsan mowduuca aqoon-isweydaarsiga ka soo jeediyey guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir C/kaafi Maxamed Makaraan,

Aqoonyahannadii ka hadlay aqoon-isweydaarsiga waxaa ka mid ah Eng. Cabduqaadir Abiikar Xuseen oo bare sare ka ah Jaamacadda Banaadir, isla markaana ah hormuudka Kuliyadda Geoscience. Waxaa sidoo kale kulankaas cashar ka soo jeediyey Dr. C/laahi Cilmi Maxamed oo aqoon durugsan u leh arrimaha biyaha dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo casharo ka soo jeed.

Aqoon-isweydaarsiga oo sii socon doona waxa ay ka qeybgalayaashu ku baran doonaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha biyaha magaalada Muqdisho iyo doorka ay dhallinyaradu ka qaadan karaan helitaanka biyo nadiif ah oo ay helaan dadka ku nool magaalada caasimadda ah.