3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Aqoon-isweydaarsiga Hogaaminta Dhallinyarada ee Arrimaha Biyaha

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Waxaa bishan Luuliyo 5teedii magaalada Muqdisho ka furmay aqoon-isweydaarsi socon doona dhowr maalmood oo ku saabsan sidii ay dhallinyaradu u qeyb qaadan horumarinta arrimaha biyaha magaalada Muqdishu, si ay dadku u helaan biyo nadiif ah.

Kulankaas waxaa ka qeyb qaatay dhallinyaro badan oo ka kala socday ururada dhallinyarada ee magaalada.

Waxaa aqoon-isweydaarsiga soo qaban qaabiyey hey’adda Somali Water Partnership oo wada shaqeyn la leh Somali Centre for Water & Environment.

Arrimaha ku saabsan aqoon-isweydaarsiga waxaa faafaahin ka bixisay guddoomiyaha ururka Somali Country Water Partnership Asli Ismaaciil Ducaale.

Waxaa furitaankii aqoon-isweydaarsi ka soo qeyb galay isla markaana ka soo jeediyey hadalo ku saabsan mowduuca aqoon-isweydaarsiga Xildhibaan Fowsiya Xaaji Aadan iyo Xildhibaan Maryan Cabdi Geedi.

Waxaa aqoon-isweydaarsiga si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/waaxid Axmed Ibraahim. Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Qaramada Midoobay Danjire Dr. Cilmi Axmed Ducaale.

Waxaa sidoo kale hadalo ku saabsan mowduuca aqoon-isweydaarsiga ka soo jeediyey guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir C/kaafi Maxamed Makaraan,

Aqoonyahannadii ka hadlay aqoon-isweydaarsiga waxaa ka mid ah Eng. Cabduqaadir Abiikar Xuseen oo bare sare ka ah Jaamacadda Banaadir, isla markaana ah hormuudka Kuliyadda Geoscience. Waxaa sidoo kale kulankaas cashar ka soo jeediyey Dr. C/laahi Cilmi Maxamed oo aqoon durugsan u leh arrimaha biyaha dalka Soomaaliya. Waxaa kale oo casharo ka soo jeed.

Aqoon-isweydaarsiga oo sii socon doona waxa ay ka qeybgalayaashu ku baran doonaan sidii xal looga gaari lahaa arrimaha biyaha magaalada Muqdisho iyo doorka ay dhallinyaradu ka qaadan karaan helitaanka biyo nadiif ah oo ay helaan dadka ku nool magaalada caasimadda ah.













Click here
7/7/2018 9:24 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-G/lle Saleebaan Cabdi Caatay ayaa dhintay, gudoomiyihii degmada Taleex isagana dhaawac culus ayaa soo gaadhey kaddib markii iyagoo safar ugu socdey Laascaanood ciidamada Puntland baleen.

7/7/2018 9:00 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Puntland jidgooyo ku dishay taliye ka tirsan ciidanka Somaliland ee degmada Taleex,isla markaana dhaawac u gaysatay maayarkii degmadda Taleex.

7/7/2018 8:19 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka geystay ayaa ku dhintay weerarkii Ismaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo hadda ah Wasaaradda arrimaha gudaha.

7/7/2018 6:36 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Dabley loo maleynayo in ay ka kooban yihiin ilaa saddex ruux ayaa gudaha u gallay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taalla Taalada Sayidka xaruntii hore Oto oto oo duhurnimadii maanta ay weerarreen Al-shabaab.

7/7/2018 5:12 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarro loo adeegsaday qaraxyo iyo mid toos ah oo ay qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay in ay gudaha u galleen Wasaaradda arrimaha gudaha Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo ku dhaw Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.

7/7/2018 4:44 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Qarayo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ayaa goor dhaw lagu qaaday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku dhaw isgoyska sayidka.

7/7/2018 3:48 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Ayadoo dhawaan madaxweynaha dalka Jabutii Mudane Ismaaciil Cuamr Geelle uu daahfuray Mashruuca aagga ganacsiga xorta ah ee dalkaasi, kaa ooay ka qeybgaleen madaxda gobolka iyo ganacsato ka socotay dalalka gobolka iyo Shiinaha, ayay ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay daahfurka Mashruucaasi waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyaan dekeddan cusub ee la daahfuray.

7/7/2018 2:06 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo xalay soo xiray Shir-weynaha 3-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

7/7/2018 1:27 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo kala duwan oo loogu tala galay in lagu tayeeyo Shaqaallaha iyo sidoo kale Adeegyadda ay bixiso dowladda Soomaaliya.

7/7/2018 1:13 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Wararka Hiiraan Online ka soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa maleeshiyaad soo weeraray ku dileen Saddex ruux oo rayid ah.

7/7/2018 12:57 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaacadihii aynu ka soo gudbay halkaa laga maqlay madaafiic ay is weydaarsadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka.