7/20/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay mas'uuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo ku dhintay weerar ka dhacay Sool


 

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - G/lle Saleebaan Cabdi Caatay ayaa dhintay, gudoomiyihii degmada Taleex isagana dhaawac culus ayaa soo gaadhey kaddib markii iyagoo safar ugu socdey Laascaanood ciidamada Puntland baleen.

C/rashiid Maxamed Axmed Xiir Gudoomiyaha Gobolka Xaysimo (Taleex) oo safarkaasi ka mid ahaa ayaa ka badbaadey oo soo gaadhey magaalada Laascaanood.

Falkan ayaa sida uu u dhacay laga bixinayaa sawiro iska soo horjeeda, iyadaa Wasiirka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore uu sheegay isagoo jooga Hargeysa in ciidamo Puntland ahi ay dhexda u galeen oo saraakiishaa ay ku laayeen.

Sidoo kale saraakiil Puntland ka tirsan waxa ay HOL u sheegeen in ay nimankani anbad ahaayeen, ciidankuna ay rasaas dulmariyeen goortay ku soo dhowaadeen, kadibna sida ay sheegeen mid ka mid ah laba gaadhi oo is daba socdey uu dhacay, in ay dhaawaciina iyagu u gurmadeen oo samatabixiyeen ayay sheegteen. 

"Waxaan saaraa gaadhka xili ay ahayd ma sixi karo laakiin xili habeenka intiisa badan tegey baan arkay laba gaadhi oo meel waqooyi barri igaga aadan maray oo si xawli u socda, waxaan u qaatay ciidamo puntland leedahay oo dhaqdhaqaaq wada, intaanan wax talaabo ah qaadin ayaa Rasaas kaga soo dhacday dhinicii ay u socdeen oo ciidamada Puntland fadhiisin u ahaa, wixii ka danbeeyey waxaa ii cadaatay in ay anbad yihiin" sidaa waxaa HOL u sheegay askari ciidanka Somaliland ka tirsan.

2011kii ayaa ciidamada Puntland kolanyo safar madax degmadaas ah oo ku sii jeeda Taleex ay jidka ka heleen, xiligaas oo uu ka baxsaday Wasiirka Biyaha Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Saynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood







Click here
7/7/2018 12:03 PM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Waxaa bishan Luuliyo 5teedii magaalada Muqdisho ka furmay aqoon-isweydaarsi socon doona dhowr maalmood oo ku saabsan sidii ay dhallinyaradu u qeyb qaadan horumarinta arrimaha biyaha magaalada Muqdishu

7/7/2018 9:00 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Puntland jidgooyo ku dishay taliye ka tirsan ciidanka Somaliland ee degmada Taleex,isla markaana dhaawac u gaysatay maayarkii degmadda Taleex.

7/7/2018 8:19 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka geystay ayaa ku dhintay weerarkii Ismaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo hadda ah Wasaaradda arrimaha gudaha.

7/7/2018 6:36 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Dabley loo maleynayo in ay ka kooban yihiin ilaa saddex ruux ayaa gudaha u gallay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taalla Taalada Sayidka xaruntii hore Oto oto oo duhurnimadii maanta ay weerarreen Al-shabaab.

7/7/2018 5:12 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarro loo adeegsaday qaraxyo iyo mid toos ah oo ay qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay in ay gudaha u galleen Wasaaradda arrimaha gudaha Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo ku dhaw Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.

7/7/2018 4:44 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Qarayo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ayaa goor dhaw lagu qaaday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku dhaw isgoyska sayidka.

7/7/2018 3:48 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Ayadoo dhawaan madaxweynaha dalka Jabutii Mudane Ismaaciil Cuamr Geelle uu daahfuray Mashruuca aagga ganacsiga xorta ah ee dalkaasi, kaa ooay ka qeybgaleen madaxda gobolka iyo ganacsato ka socotay dalalka gobolka iyo Shiinaha, ayay ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay daahfurka Mashruucaasi waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyaan dekeddan cusub ee la daahfuray.

7/7/2018 2:06 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo xalay soo xiray Shir-weynaha 3-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

7/7/2018 1:27 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo kala duwan oo loogu tala galay in lagu tayeeyo Shaqaallaha iyo sidoo kale Adeegyadda ay bixiso dowladda Soomaaliya.

7/7/2018 1:13 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Wararka Hiiraan Online ka soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa maleeshiyaad soo weeraray ku dileen Saddex ruux oo rayid ah.

7/7/2018 12:57 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaacadihii aynu ka soo gudbay halkaa laga maqlay madaafiic ay is weydaarsadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka.