4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Muqdisho ‘’ Wararkii ugu danbeeyay weerarka xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha

 

Sabti, July, 07, 2018 (HOL)- Dabley loo maleynayo in ay ka kooban yihiin ilaa saddex ruux ayaa gudaha u gallay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taalla Taalada Sayidka xaruntii hore Oto oto oo duhurnimadii maanta ay weerarreen Al-shabaab.

Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamada amaanka ku howlan yihiin sidii loo soo afjari lahaa howlgalka wasaaradda arrimaha gudaha ee Oto Oto.

Dadka wax- yeelladu ka soo gaartay weerarka ayaa waxaa ka mid ahaa ciidamadii Ilaalada u ahaa xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha oo sidoo kalana ay ku shaqeyso Wasaaradda Amniga.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan shaqaale ka tirsan wasaaradda oo ku dhintay weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana warar lagu qoray baraha internet-ka lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ay gudaha u galeen dhismaha xarunta wasaaradda.

Xiliga uu weerarkan dhacayay xarunta wasaaradda kuma aysan sugney Wasiirrada labada Wasaaradood ee arrimaha gudaha iyo Amniga, hasse ahaatee waxaa si caadi ah u socday howlaha Wasaaradda.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka qaaday dhaawacyo ay ka mid yihiin Askartii ku sugneyd Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Irideeda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]