4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Faah faahin ku saabsan qaraxyo iyo weerar toos ah oo ka dhacay Muqdisho

 

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarro loo adeegsaday qaraxyo iyo mid toos ah oo ay qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay in ay gudaha u galleen Wasaaradda arrimaha gudaha Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo ku dhaw Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.

Ka hor rasaas xoogan oo laga maqlay xarunta wasaaradda waxaa jiray labo Qarax oo dhacay, mid ka mid ah Qaraxyada ayaa la sheegay in uu ahaa mid culus oo siweyn looga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Xarunta la weeraray ayaa marka laga soo tago wasaaradda arrimaha gudaha sidoo kale waxaa ku shaqeysa wasaarrada Amniga, iyadoo warar soo baxaya sheegayaan in ay gudaha u galleen rag hubeysan oo laakiin aan la ogeyn tiradooda.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxyadan iyo weerarka intaba hasse ahaatee waxaa gaaray goobta gadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka qaaday tiro dad ah oo qaba wax yeello kala duwan.

Isgoyska Sayidka waxaa yaala Koontarool ay ku sugan yihiin ciidamada Ilaalada Madaxtooyada, waana koontaroolka ugu horeeya ee laga sugo amniga madaxtooyada.

Al-shabaab ayaa guud ahaa sheegtay qaraxyada iyo weerarka ka dhacay xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha, hasse ahaatee ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]