4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho iyo rasaas la maqlayo

 

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Qarayo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ayaa goor dhaw lagu qaaday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku dhaw isgoyska sayidka.

Qaraxa ayaa markii hore ka dhacay ilinka hore ee wasaaradda arrimaha gudaha xaruntii hore ee Oto Oto, kadib-na waxaa bilaabatay rasaas xoogan oo leys weydaarsanayo, iyadoo warar soo baxaya sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab gudaha u galleen xarunta.

Qof goobta ka agdhow ayaa sheegay in ay jiraan labo dhinac oo dagaallamaya lama ogga waxa ay yihiin.

Wixii faah faahin ah waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]