4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Ganacsato Soomaali ah oo yididiilo wanaagsan ka muujiyay mashruuca aagga ganacsiga xorta ah ee Jabuuti

Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Ayadoo dhawaan madaxweynaha dalka Jabutii Mudane Ismaaciil Cuamr Geelle uu daahfuray Mashruuca aagga ganacsiga xorta ah ee dalkaasi, kaa oo ay daahfurkiisu ka qeybgaleen madaxda gobolka iyo ganacsato ka socotay dalalka gobolka iyo Shiinaha, ayay ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay daahfurka Mashruucaasi waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen dekeddan cusub ee la daahfuray.

Mashruucan ayaa waxaa hirgelintiisa iska kaashaday dowladda Jabuuti iyo shirkad ganacsi oo laga leeyahay Shiinaha oo lagu magacaabo (China’s Merchants Holdings company).


C/rashiid Max'ed Siciid, Agaasimaha sare ee shirkadda Dahabshiil oo wareeysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in dekedda la daahfuray ay tahay fursad ganacsi oo wax badan ka caawin doonta ganacsatada Soomaaliyeed ee leh ganacsiyada waaweyn iyo kuwa kale ee aan heeysan dhaqaale badan oo ay dalabaad ku dirsadaan.

Mar la weydiiyay faa’iidada ganacsatada Soomaalida ah ugu jirta Dekeddan cusub ayuu sheegay in Dekeddu ay isticmaali doonaan ganacsatada aagga gobolka iyo dalalka kale ee Jaarka ah, isagoo intaa ku daray in ay ka caawin doonto in ay ka kaaftoomaan badeecooyinkii ay Shiinaha ka dalban jireen iyo kuwii ay dhoofin jireenba.

 “In dadkii Dibadda u dhoofin jiray ama Shiinaha qaban jiray ama wadamo kale mari jiray in alaabooyinkoodii ay usoo dhawaato, alaabooyinka qaar, oo laga yaabo in ayan meel fog qaban oo ay halkaan ka helaan, " ayuu yiri isagoo intaa ku daray in Dekeddan ay noqoneeyso tii ugu weyneyd ee soo marta gobolka.

Waxa uu xusay in Dekeddu ay tahay suuq xor ah (Free Zone), islamarkaana ganacsatadu ay heli doonaan ganacsi xor ah oo uusan dhaqaale badan uga bixi doonin, shirkadaha ay macaamilka la yihiin oo intooda badan dagan Shiinahana ay Jabuuti iman doonaan.

Aaggan ganacsi ee xorta ah ayaa loo isticmaali doonaa dhoofinta iyo soo dejinta badeecooyinka kala duwan, ayadoo la rajeeynayo in ay kasoo xaroon doonaan dhaqaale ganacsi oo gaaraya $7 Billion mudo laba sano gudahood ah, islamarkaana uu abuuri doono shaqooyin lagu qiyaasay 15,000 marka la dhameystiro.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.