7/20/2018
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2018
Kheyre : Dhalinyaradu waa maskaxda iyo xoogga dalka


 

Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha Xukuummadda Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo xalay soo xiray Shir-weynaha 3-aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xoogga, maskaxda, dhaqaalaha iyo awood waliba oo dalku kula tartamaayo aduunyada kale ay yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in si awoodaha dhalinyarada looga faa’iideeso ay tahay in dhalinyadu waxbarashada ku dadaalaan, isu abaabulaan sidii awoodda dalka gacantooda ugu soo noqon laheyd, caawiyaan laamaha amniga, ka qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqmaasuqa, una dul qaataan xanuunka la maraayo si mutqabal wanaagan loo gaaro.

“Waxaa lagu jiraaa qarni aadan noolaan karin hadii aadan aqoon laheyn, si aqoonta dadka Soomaaliyeed loo dhiso oo aan ula tartanno bulshada adduunka waa in aan leenahay iskuullo iyo jaamacado soo saara dad Soomaaliyeed. Waa in aan kobcinnaa dhaqaalaha dalka, la dagaalnaa Musuqmaasuqa, amniga wax ka qabannaa, si aduunyadu noo aaminto waa in aan xanuun marnaa. Xanuunka cidda mareysa ee u adkeysanaysa waa cidda dooneysa in ay Mustaqbal yeelato, cidda mustaqbalka lehna waa adinka. Waa in aad isu abaabushaan qaabkii awoodda dalku gacantiinna ugu soo noqon laheyd”, ayuu dhallinyarada ku yiri Ra’iisal wasaare Khayre.

 

Kheyre waxaa uu dhalliyada ku dhiirri geliyay in aysan u dhaqmin sida qof gurigiisa marti ku ah, dhex-dhexaadna aysan ka noqon mustaqbalka dalka Soomaaliyeed isaga oo ku adkeeyay in si dalka loo gaarsiiyo Mustaqbal wanaagsan ay tahay in dhaqankii hore la bedelo, doodana laga furo dhibka dalku soo maray, sababta ay ku timid, sababta xilliga dheer ay ugu qaadatay dadka Sooomaaliyeed in ay ku jiraan dhibka iyo sida looga bixi karo.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu qasbanyahay in la dhagaysto codka iyo talada milkiilayaasha dalka oo ah dhallinyarada hase yeeshee ay tahay in dhallinyardu ka shaqeeyaan qaabkii ay kula xisaabtami lahaayeen madaxda dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 







Click here
7/7/2018 12:03 PM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Waxaa bishan Luuliyo 5teedii magaalada Muqdisho ka furmay aqoon-isweydaarsi socon doona dhowr maalmood oo ku saabsan sidii ay dhallinyaradu u qeyb qaadan horumarinta arrimaha biyaha magaalada Muqdishu

7/7/2018 9:24 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-G/lle Saleebaan Cabdi Caatay ayaa dhintay, gudoomiyihii degmada Taleex isagana dhaawac culus ayaa soo gaadhey kaddib markii iyagoo safar ugu socdey Laascaanood ciidamada Puntland baleen.

7/7/2018 9:00 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Wasiirka horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore ayaa sheegay in Puntland jidgooyo ku dishay taliye ka tirsan ciidanka Somaliland ee degmada Taleex,isla markaana dhaawac u gaysatay maayarkii degmadda Taleex.

7/7/2018 8:19 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) - Ugu yaraan 10 ruux oo ay ka mid ahaayeen shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kooxihii weerarka geystay ayaa ku dhintay weerarkii Ismaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo hadda ah Wasaaradda arrimaha gudaha.

7/7/2018 6:36 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Dabley loo maleynayo in ay ka kooban yihiin ilaa saddex ruux ayaa gudaha u gallay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku taalla Taalada Sayidka xaruntii hore Oto oto oo duhurnimadii maanta ay weerarreen Al-shabaab.

7/7/2018 5:12 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarro loo adeegsaday qaraxyo iyo mid toos ah oo ay qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay in ay gudaha u galleen Wasaaradda arrimaha gudaha Ex xaruntii hore ee Oto Oto oo ku dhaw Isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho.

7/7/2018 4:44 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Qarayo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ayaa goor dhaw lagu qaaday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku dhaw isgoyska sayidka.

7/7/2018 3:48 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Ayadoo dhawaan madaxweynaha dalka Jabutii Mudane Ismaaciil Cuamr Geelle uu daahfuray Mashruuca aagga ganacsiga xorta ah ee dalkaasi, kaa ooay ka qeybgaleen madaxda gobolka iyo ganacsato ka socotay dalalka gobolka iyo Shiinaha, ayay ganacsatadii Soomaaliyeed ee ka qeybgalay daahfurka Mashruucaasi waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyaan dekeddan cusub ee la daahfuray.

7/7/2018 1:27 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)-Hay’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF ayaa sheegtay in ay waddo dadaallo kala duwan oo loogu tala galay in lagu tayeeyo Shaqaallaha iyo sidoo kale Adeegyadda ay bixiso dowladda Soomaaliya.

7/7/2018 1:13 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Wararka Hiiraan Online ka soo gaaraya deegaanka Ceeldheere oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaa maleeshiyaad soo weeraray ku dileen Saddex ruux oo rayid ah.

7/7/2018 12:57 AM EST
Sabti, July, 07, 2018 (HOL)–Wararka ka imanaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaacadihii aynu ka soo gudbay halkaa laga maqlay madaafiic ay is weydaarsadeen ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ee isku hor fadhiya jiida hore ee dagaalka.